Qof walbo doorka uu ku jilaayo filimka Bhuj ee Ajay hogaamiyaha ka yahay:

Maanta oo Arbaco ah waxaa lagu dhawaaqay in aktarka Ajay Devgn uu samayn doona filimka looga hadlaayo nolosha Vijay Karnik kaaso ah Taliyaha hogaaminaayay dagaalkii Squadron isagoo ahaa abaan duuliyihii ciidamada cirka Hindiya ee 1971 Pakistan dagaal culus la galeen

Waxaana filimkan soo saare ka ah Bhushan Kumar sidoo kalena waxaa shaaca laga qaaday aktarada filimkan qayb ka kuwaaso kala ah Sanjay Dutt, Rana Daggubati, Sonakshi Sinha, Parineeti Chopra oo Ammy Argrida kuwaaso filimkan ku leh doorar waa weyn.

iyadoo aan ognahay Doorka Aktarka Ajay Devgan filimkan sidoo kale waxaan fiirinaynaa Aktarada kale ee filimkan ku jilaa doorarkooda

 

 

Sanjay Dutt waxaa jili doona doorka  Ranchordas Svabhai Ravari ‘Pagi’, kasoo si weyn u  caawiyey ciidamada Indian inta lagu jiro dagaalka ka dhanka ah Pakistan sanadkii 1971 .

Sanjay Dutt doorkiisa “Pagi” waxa lagu tilmaami karaa qofka wadani ah kaaso leh, dhererka iyo xooh isagoo si weyn ula dagaalamaayo ciidanka dalka Pakistan

sidoo kale filimkan waxa doorar muhiim ah ku leh Rana Daggubati waxa uu samayn doona doorka sarkaal ka taliyay gobolka Madras

halka aktarka Punjabiga Aamy Virk isagana uu jili doono doorka duuliye diyaaradaha dagaalka dalka india isagoo qayb libaax ka qaadan doono guusha dalka india ay ka gaari doonto dalka Pakistan

iyadoo labada atariisho ee kala Sonakshi Sinha iyo Parineeti ay filimkan ku leeyihiin doorar muhiim waxaana atariishada Sonakshi Sinha ay filimkan ku jili doonta doorka Sunderben Jetha Madharparya

taaso u adeegto bulshada sidoo kale waxa tahay gabar beeralay ah iyadoo caawinaysa  299 haween kuwaaso kasoo cararaya dagaalka ka dhacay magaalada Madhapur iyadoo u dhisaysa dhismaha ay ku nolaadaan

halka Atariishada Parineeti Chopra ay filimkan ku leedahay door weyn iyadoo filimkan gashan doonta kab weyn ama door weyn maadaama ay filimkan ku jili doonto gabar askari basaas Indian taaso ku dhex nool Lahore (Pakistan).

Filimkan Bhuj: The Pride of India waxaa soo saare ka noqon doona Krishan Kumar, Ginny Khanuja, Vajir Singh halka Director uu ka yahay  Abhishek Dhudhaiya.