Ra’iisal Wasaaraha Dalka India PM Narendra Modi Oo Codsi U Gudbiyay Xidigaha Bollywoodka Ee Kala Ah Shah Rukh Khan, Deepika Padukone, Salman Khan,  Iyo Aktaro Kale (Laakiin Muxuu Yahay Codsiga Ra’iisal Wasaare PM Narendra Modi)

waxaa haddda laysku diyaarinaya doorashada dalka india kaaso kaliya ay ka hartay maalmo kooban iyadoo Ra’iisaal Wasaaraha hadda xulka ahay PM Marendra uu durba lasii bilaabay ololalihiisa doorashada

kaaso dhawaan bilaabay inuu barta Twitterka kula xariiro dhamaaan aktarada ugu caansan gudaha india isagoo ka codsanaayo inay dadka ku baraarujiyaan inay isaga codka ugu shubaan maadaama xidigahaas ay gudaha india ku leeyihiin taageerayaal fara badan

isagoo qoraalkiisa kowaad uu barta Twitter soo geliyay uu kusoo qoray codsi uu u diray aktarka hogaaminaya shirkada aflaamta ee Malayalam ninka lagu magacaabo Mohanlal sidoo kale Pm Marendra waxa uu fariin u diray aktarka Teleugu ah ee Nagarjuna

 

laakiin aktarkan ayaa maanta oo taariikhda ku beegan tahay 13 March waxa uu bilaabay inuu fariin goos-gooska ah u diro xidigaha bollywoodka Ra’iisal Wasaare Modi ayaa istcmaalay farsaml cajiib isagoo halkii fariin isku raacinaayay aktaro isku dhow ama isku waqti ah sida isagoo hal Fariin u diray labada aktarka ee kala ah Salman Khan Iyo Amir Khan

isagoo tusaale ahaan ugu soo qaatay filimkooda qosolka badan ee Andaz Apna Apna sidoo kale Pm Marendra waxa uu fariin hal mar u wada diray  xidigaha bollywoodka sida Amithab Bachchan , Shah Rukh Khan , Karan Johar

isagoo xitaa fariin u diray atariishooyinka kala ah  Deepika Padukone , Alia Bhatt Iyo Anushka Sharma kuwaaso ah atariishooyinka xiligan ugu caansan fanka bollywoodka

halka Ra’iisal wasaare uusan meesha ka saarin inuu fariin codsi ah u diro aktarada dhalin-yarada kuwaado ugu awoodda badan sida Ranveer Singh , Varun Dhawan Iyo Vicky Kaushal halka atariishad Bhumi Padnekar uu la mataaneeyay aktarada ay lasoo shaqeesay kuwaaso kala ah Akshay kumar Iyo Ayushman Khurana

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*