Rana Daggubati doorkiisa filimka Housefull 4 oo la ogaaday inuu xiiso gaar leh xambaarsan yahay

Rana Daggubati magac weyn iyo maamuus wuxuu ku yeeshay filimkii Bahubali kadib wuxuu noqday jilaa siweyn looga xiiseeyo Koonfurta Hindiya iyo Bollywood-ka dhawaana wuxuu soo idleeyay duubista doorkiisa filimka weyn Housefull 4 ku leeyahay.

Haddaba waxaa la ogaaday in Rana Daggubati doorkiisa Housefull 4 uu yahay mid xiiso badan daawadayaashana soo jiidan doono weliba hogaamiyaasha filimka  Akshay Kumar, Riteish Deshmukh, iyo Bobby Deol ayuu ka yaabsan doonaa sida xogtaan lagu sheegay.

Rana ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay kasoo muuqaashada filimka Housefull 4 oo la daawan doono 25 October 2019 ama feestada Diwali 2019 ee sanadkan waxaana soo saare ka ah Sajid Nadiadwala halka Farhad Samji uu Director ka yahay wuxuuna badalay Sajid Khan oo markii hore filimkan Director ka ahaa balse laga saaray markii ay kusoo baxday fadeexad ah inuu dumar kala duwan oo kuwa filimada jilaan ku jiraan uu tacadi u geestay kuna xad gudbay.

Housefull 4 waxaa atirishooyin ka ah Kriti Sanon, Pooja Hedge iyo Kriti Kharbanda sidoo kalena waxaa doorar muhiim ah ku leh Boman Irani, Chunky Pandey, Johnny Lever iyo kuwo kale wuxuuna ka mid yahay filimada ugu hadal heynta badan ee sanadkan 2019 qaybihiisa dambe la sugaayo.

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.