Ranbir-Alia, Deepika-Vikrant Iyo Xidigaha Bollywoodka Markii Ugu Horeysay Film Wada Sameen Doonan 2019 (+Sawiro)

Waxaa so idlaaday ama soo dhamaaday sanadkii 2018 ee aan ku guda jirnay kaaso aan wax badan kaga hadalnay dhacdooyin badan oo ka dhaceen Bollywoodka iyo koonfur India-ba.

Hader waxaa la guda galay sanad cusub oo maanta uu bilawday waxaa la galayaa jadwal cusub iyo qorsho cusub waxaan arki doona aqbaarad cusub, aflaam cusub iyo jilayaal cusub.

Hadaba shabakadaha caalamka ayaa qorayaan warar hordhac ah oo ay kaga hadli doonan maxaa dhici kara sanadkaan 2019 Bollywoodka maxay la kulmi karaan yaa kusoo biro doono, aflaam noocee la sugaya iyo mowduucyo kale oo la xariira.

Sidaan wada ognahay sanadkii hore 2018 aflaam badan ayaa guulesteen kuwa kalena wey guul dareesteen, xidigo cusub ayaa Bollywoodka imaadeen dhacdooyin layaab leh ayaa dhaceen 2018.

Hadaba maqaalkan waxaan kaga hadli doona xidigaha Bollywoodka kuwooda markii ugu horeysay wada shaqeyn doonan sanadkaan 2019 sido kalena lamaanayaal cusub oo dhanka shaashada wada noqon doonan.

Liiskan xidigo caan ah iyo kuwa shirkada kucusuba wey soo wada galayaan balse muhiimada maqaalka ayaa ah lamaanayaasha shaashada kuwooda markii ugu horeysay film wada hogaamin doonan.

Ranbir Kapoor iyo Ali Bhatt: Waa lamaane nolosha dhabta ah xiriir wada leh hadana markii ugu horeysay sanadkaan 2019 ayee kasoo wada muuqan doona filmka Brahmastra ee la daawan doono ciida masiixiga.

Alia-Ranbir

Ranver Singh iyo Alia Bhatt: Gully Boy ayee hogaamin doonan markii ugu horeysay kaaso la daawan doono 14 Feb 2019.

Alia-Ranveer

Nawazuddin Siddiqui iyo Athiya Shetty: markii ugu horeysay aye kasoo wada muan doonan filmka Motichoor Chaknachoor.

Athiya-Nawaz

Deepika Padukone iyo Vikrant Massey: filmka Chhapaak ee gabadha aashida wajiga looga shubaayo aye wada hogaamin doonan.

Deepika-Vikrant

Sushant Singh Rajput iyo Bhumi Pednekar: Filmka Sonchiriya

Sushant-Bhumi

Sushant Singh Rajput iyo Shraddha Kapoor: Filmka Chhichhore

Sushant-Shraddha

Shahid Kapoor iyo Kiara Advani; Filmka Arjun Reddy Remake

Shahid-Kiara