Ranbir Hooyadiis Neetu Kapoor Oo Ka Hadashay Abaal Marinta Ay Ku Guulesteen Ranbir Iyo Alia!!

Rishi Kapoor xaaskiisa ahna hooyada dhashay Ranbir Kapoor ayaa ka aamusi weysay guusha weyn ee uu wiilkeeda xalay gaaray maadama uu ku guulestay abaal marinta atooraha ugu wanaagsan Bollywoodka 2019 oo ay gudoonsiisay shabakada Filmfare.

Intaas farxada kuma eka sido kale gabadha dhowaan wiilkeeda aroosi doono Alia Bhatt ayaa dhankeeda iyadana ku guulesatay abaal marint atiriishada Bollywoodka ugu wanaagsan 2019 ayna ku gudoonsiisay Filmfare.

Waliba xalay masraxa lamaanahan jaceylkooda ayee ka muujiyeen xili Alia si rasmi ah malaayin dad ah hortooda waan ku jeclahay ku tiri Ranbir Kapoor hadaba Neetu Kapoor ayaa u hambalyeesay lamaanahan waxayna tiri.

“Xiliyadan oo kale farxad ah waxay ku ilaawsiyaan murugadii hore waan idinku faana caruurteyda waana idiin hambalyeena guusha aad ku guuleysateen abaal marinada atooraha iyo atirishada ugu wanaagsan Filmfare.”

Sawir lamaanahan oo masraxa taagan ayee soo dhigtay baraha bulshada sido kalena oraahda sarre ayaee soo raacisay Neetu xili hore ayee Alia Bhatt qoyskeeda kusoo dhaweysay labada qoysna marhore ayee isku fahmeen xiriirka caruurtoda kaliya waxaa la sugaya xiliga ay iyaga qabsadaan ama doonaan inee is guursadaan.”

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Oo Ku Dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Kudhufo Mahadsanid…