Ranbir Kapoor Maxuu Ku Akhriyay Maskaxda Alia Bhatt Markii Hore Guur Diyaar Uma Aheen Ilaa 30 Sano Ay Ka Gaarto Balse Hada Iyadaaba Joogi La’!!

Ranbir Kapoor waa atoore maqaam sare ka gaaray fanka hindiya sido kalena xidigaan quruxdiisa iyo soo jiidashadiisa ayuu qalbiga kaga xaday atiriishooyin badan oo Bollywoodka katirsan.

Waan ogeyn inuu xiriir jaceyl la sameeyay atiriishooyinka kala ah Katrina Kaif iyo Deepika Padukone mid walbana meel cidlo kaga tagay haatana waxuu la socdaa atiriishada hawada sare kusocoto Alia Bhatt.

Xidigtaan hada kahor ama sanadkii hore 2018 waxay sheegtay in aysan waqtigaan guur diyaar u ahen ilaa 30 sano ay gaarto intii laga gaarayana shaqadeeda Bollywoodka sii wadan doonto waana xili lagu xamanaayey inuu guursan doono Ranbir Kapoor.

Balse hader waa diyaar oo iyada ayaaba afkeeda ka sheegeysa inee diyaar u tahay markaan guur waxay tiri iyadoo hadleysa,”qofka marba haduu heesto qof wanaagsan oo farxad siin kara heer naf la isku aaminana sheekadaa joogto wax ka hor istaagi karo malahan inuu guursado.”

“Haa, aniga guur hader diyaar waan u ahay maadama aan heesto qof aan nafteyda ku aamini karo inkastoo go’aankeygii hore ahaa inan guursado 30 sano markaa gaaro balse hader uma jeedo wax I celiyo waqti intaa la egna lasugo.”

Bhatt si cad ayee u sheegtay markaana inee Ranbir Kapoor isku dhiibtay qalbigeedana si dhab ah u hantay xidigaan maalmo kahorna waxaan idiin la wadaagnay in ay Ranbir ka ogolaataay xiriir wada noolaansho ah guri cusubna ka iibsanayaan New York sida nin iyo xaaskiisa oo kalena u wada noolaan doonan.

Jaceylka Alia haayo markaan waa mid dhab ah ayaa la dhihi karaa Ranbirow gabadhaan kujecel meel cidlo haka tagin oo hana yeelin sidii kuwii ka horeyeen aad yeeshay dad badan ayaa fariintaan oo kale dureen xidigaan haba ugu badnaadeen taageeraayaashiisa..

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Click Kusiiso Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Click Kusii Mahadsanid…

2 Comments

  1. yaab anaga aragnay ranbir maxa kaligi loogu mashquula salman imasa gabdhood buu niyada ka dilay akshay sidoo kale sanjay dutt sidoo kale waxaan arkaa saxaafada iney aad ranbir ugu kacsan yihiin oo mar walba war khaldan ka gudbiyaan lkn way ku daba waalanayan deebika waa sax inuu ranbir ka tagay oo uu katrina ka raacay lkn katrina iyada maseer darti ka carartay ranbir waxayna bilowday marki ranbir iyo deepika ay wada samaynaayen filmki Tamasha wixii inaa ka danbeeyey way sii socotey ee ranbir isagu kamuu tagin katrina

    • Salman, Akshay, Sanjay xiligooda waa laga qori jiray wararkaan iyo ka badan balse hada Ranbir xiligiisa la joogaa kkkk kk saxaafada atooraha hada ay daba taagan yihiin ayuuba iska noqday anagana wixii xan iyo xaqiiq ay qoraan inaan soo gudbino waaye kkk

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*