Ranbir Kapoor Oo Ka Hadlay Xaalada Aabihiis Rishi Kapoor Iyo Inuu Goordhow Shaqada Filmada Kusoo Noqon Doono!!

Rugcadaaga Bollywoodka Rishi Kapoor ayaa mudooyinka dambe iska xanuunsanaa inkastoo mar laga faafiyay war ah inuu hayo Kansar balse arinkaan waxaa wax kama jiraan ku tilmaamay walaalkiis Randhir Kapoor (Karisma iyo Kareena aabahood).

Wuxuu baaritaan caafimaad iyo daawo qaadasho u aaday New York halkaaso uu xitaa kula kulmay qaar kamid ah xidigaha Bollywoodka waxaana la socdeen wiilkiisa Ranbir Kapoor iyo xaaskiisa Neetu Kapoor dib ayuuna ugu soo noqday India mudo kadib.

Wali lama shaacinin xanuunka rasmiga ah ee hayo Rugcadaagan balse wiilkiisa Ranbir Kapoor ayaa saxaafada u sheegay in xaalka aabihiis hader soo wanaagsanaanayo goordhowna shaqadiisa Filmada kusoo noqon doono.

Waxuu yiri Ranbir oo hadlaayo,Aabe hader waa caafimaad qabaa goordhowna shaqadiisa Filmada ayuu kusoo noqon doonaa maadama uu in badan u xiisay ducadiina aad u duceyseen ayuu dib ugu soo noqday sidaan filaayo.”

Dhanka shaqad Ranbir Kapoor waxaa u diyaarsan Filmka Brahmastra ee Super Hero-ga ah kaaso la daawan doono ciida masiixiga ama dhamaadka sanadkaan waxaana la jileyso saaxiibtiisa Alia Bhatt iyo jilayaal kale sida Big B iyo kuwa kale.

Walal Ha Ilaawin Inaad Hal Xayeysiin Oo Ku Dhufato Xayeysiimaha Noocyada Kala Duwan Sida Cunooyinka, Agabka Guryaha, Games Kala Duwan Sawirada Kusoo Baxaan Mid Kamid Ah Kudhufo Mahadsanid…