Randeep Hooda oo lagu soo daray filimka Baaghi 2 ee Tiger Shroff hogaamiye ka yahay

Waxaa dhawaan idinla wadaagnay in jilaaga Manoj Bajpayee filimka Baaghi 2 door wacan laga siiyay sidoo kalena Prateik Babbar ayaa laadar ka ah filimkaan Tiger Shroff hogaamiye ka yahay.

Haatana waxaa si rasmi ah shaaca looga qaaday in Baaghi 2 lagu soo daray Randeep Hooda atooraha door walbo sameyn karo.

Sida Mumbai Mirror xaqiijisay Randeep Hooda ayaa filimka Baaghi 2 ku jilaayo Tiger Shroff saaxiibkiisa oo awood badan leh jir ahan dhisan sidoo kalena garweyn leh.

Sajid Nadiadwala oo soo saare ka ah Baaghi 2 ayaa xaqiijiyay in Randeep Hooda filimkaan ku jiro wuxuuna yiri “Haa Randeep qayb ayuu ka yahay filimka Baaghi 2 sidoo kalena door xiiso badana ayuu ku leeyahay”

Sajid Nadiadwala iyo Randeep Hooda waa saaxiibo waxaana la xasuustaa in sanadii 2014 Sajid filimkiisii kowaad ee uu Director ka ahaa Kick door muhiim ah Raneeo ku yeeshay.

Baaghi 2 waxaa Director ka ah Ahmed Khan halka Disha Patani ay atirisho ka tahay sidoo kalena filimkaan waxaa la daawan doonaa 27 April 2018.