Rani Mukerji , Aditya Chopra Iyo Xidigaha Kasoo Qayb-Galay Xaflada Dhalashada Karan Johar Hooyadiisa Hiiroo Johar

Rani Mukerji iyo ninkeeda filim sameeyaha caanka ah ee Aditya Chopra aya xalay xiligii saqda dhexe waxa ay booqdayn guriga karan johar si ay kaga qayb-galaan xaflada dhalasho ee Karan Johar hooyadiisa Hiiro Johar taaso u dabaal-dagayso dhalashadeeda 76 sano

sababtoo ah Karan Johar iyo Aditya waa ilmo abti sababtoo ah Karan hooyadiisa Hiiro Johar iyo aabaha Aditya waa walaalo waana midii uu Karan kaga soo muuqday filimkii Dilwale Dulhania La Jayenge kaaso uu iska lahaa Aditya Chopra

sidoo kale waxaa xaflada kasoo qayb-galay Hiiro Johar saaxibadeeda khaaliga sida Atariishada Jaya Bachchan , Rima Jain , Sharmila Tagore iyo kuwa kale oo badan

fadlan hoos ka daawo sawirada xaflada dhalashada karan johar hooyadiisa Hiiro Johar