Ranveer Singh Iyo Deepika Padukone  Oo Dib Ugu Soo Laabtayn Mumbai Ka Dib Bashaalkii Bisha Malab Ee Dalka Switzerland

Deepika Padukone iyo Ranver Singh bishii November ayee aroos qaas ah kudhigteen Lake Como arooskaso 30 qof kaliya lagu casuumay waxaana u xigtay inee xaflado dalka gudihiisa kudhigteen.

Hadii ay isku guursadene Italy dabaal daga arooskoda xafladi kowaad waxay ka dhacday Bangalore oo ah deegaan ahaan halka ay Padukone kazoo jeedo sido kalena labo xaflad ayee Mumbai kudhigatay.

iyagoo usbuucii hore u safreen dalka Switzerland si ay halkaas ugu soo qaataan bisha malabka oo aan anaga u naqaano todobo galow (7) iyagoo helay usbuuc ay nasanayaan shaqooyinkooda kala duwan

Sawiro ayaa laga soo qabtay xilli Airport-ga Mumbai kasoo dagayn iyagoo gacmahana is heestan halkaan hoose ka daawo sawirada laga soo qabtay.