Nolosha Jilayaasha WARARKA MAANTA

Ranveer Singh ” Maxaa Ka Fiican Inay Xaaskaaga Filimka Ay Ku Jisho Xaaskaaga Dhabta Ah”

jaceylka Ranveer Singh Iyo Deepika Padukone ma ahan mid labadooda ay qarin karaan xitaa haddii ay is-guursadayn iyagoo haddaba la moodo kuwa bilaabaya ama dhisaya xariir jaceyl markaad eegto sida ay isugu xiisaan

ka dib markii Ranveer Singh uu saxiixday filimka 83 kaaso looga hadlaayo xiligii dalka india ay ku guuleystayn koobka Cricket adduunka halka Ranveer Singh isagana uu ciyaari doono doorka kabtanka hogaaminaayay qaranka india

waxaa lagu mudadaas lagu wareersanaa atariishada Ranveer Singh la jili doonto filimkaas taaso ciyaari doonta doorka Ranveer Singh xaaskiisa iyadoo midaas ay jirto ayaa dhawaan soo saaraha filimkaas waxa uu la hadlay atariishada Deepika Padukone taaso filim jilista dib ugu soo laabatay ka dib guurka iyada iyo Ranveer Singh

laakiin Deepika Padukone ayaa durba ogalaatay samaynta filimkaas iyadoo weliba mashquul dhexda kaga jirto waxaana ay maalmo ka hor u duushay dalka ingiriiska halkaaso duubista filimkan ay ka socoto

iyadoo xaalada sidaas tahay ayaa Ranveer Singh waxa uu baraha bulshada soo dhigay sawir taaso uu ku muujinaayo nasiibka uu dheer yahay aktarada kale maadaama xaaskiisa dhabta ay u jilayo doorka xaaskiisa filimka waxaana bartiisa Twitter uu soo dhigay qoraal ka kooban ” maxaa ka fiican marka Xaaskaaga dhabta ah ay ku jilayso xaaskaaga filimka”

Related posts

Vinod Khanna Oo Hada Kahor Cafis Ka Dalbaday Dimple Kapadia Iyo Sababta Kadambeysa Arinkaas Xaqiiq Lahelay!

Ali Aadan

Bharat oo kaalinta 13-aad ka galay 20-ka filim ee lacagaha ugu badan soo xareeyeen 3-maalmood ugu horeyso

Zakarie

YAAB: Gabar 15 jir ah oo madaxa iyo gacanta ka jartay gabar ay isku fasal ahaayeen, maxayse ku maagtay?

Jabriil Abdikadir

10-ka Atoore Ee Bollywoodka Katirsan Kuwaaso Dhanka Action-ka Looga Haray!!

Ali Aadan

Dhageyso barnaamijka LIVE NOW (28 May 2019) Warar Sport Update ah kaga bogo

Zakarie

Shabakada BOI oo soo daabacday in Bharat uu noqday filimka 14-aad Bumper Opening ku furmo ee Salman hogaamiye ka yahay

Zakarie