Ranveer Singh Oo Qaatay Talada Sara Ali Khan Isagoo Wejiga Soo Duubtay Si Uu Tiyaatarada Ugu soo Daawado Filimkiisa Simmba

Atirishada dhalinta yar ee Bollywood-ka kusoo biirtay Sara Ali Kha taaso soo caan baxday sanadkan ayaa waxa ay bishii hore sameesay arin cajiib badan  si ay usoo ogaato daawadayaasha waxa ay doorkeeda filimkan ka dhahayaan ama sida mashruuceeda cusub loo hadal haayo

Sara Ali Khan ayaa aaday tiyaatarka ayadoo xiran shuko ama Burkha dhar hagoodan oo min majo ilaa madax qofka muuqaalkiisa la arkeynin si aan loo fahmin inay Sara ayaa waxa uu u jeedkayda ahaa inay ogaato sida dadweynaha ay iyada kaga helayn  bandhigeeda filimkeeda

waxaana hadda midaas oo kale sameeyay aktarka ay isla sameeyeen filimka simmba ranveer singh kaaso ammaan ay kala dul-dhacayn dadweynaha iyo quburada aflaamta qiimeeyeen laakiin ranveer midaas kuma uusan qancin isagoo doonaayo inuu ogaado sida dad weynaha ay kaga helayn filimkiisa

isagoo maanta aaday mid ka mid ah tiyaatarada multiplex ee ku yaala xaafada bandra ee magaalada mumbai ranveer singh ayaa wajiga soo duubtay sida sara ali khan isagoo rabin inay cid aqoonsato ranveer waxaa u suura gashay inay jawi dagan ku daawato filimkiisa simmba

fadlan hoos ka daawo sawirada ranveer singh oo si dhumaalaysi ah u aaday daawashada filimkiisa simmba