Ranveer Singh Waa Xariif Isagoo Doonayay Inuu Alia Bhatt Ku Qasbo Inay Qirato Xariirka Kala Dhaxeeya Ranbir Kapoor

aktarka ranveer singh ayaa waxa uu dhexda kaga jira waayo qurux badan maadaama  ay guuleystayn  labadiisa filim ugu dambeesay kuwaaso kala ah padmavaat iyo simmba

waxaana dhawaan tiyaatarada loo saari doonaa filimka lagu magacaabo kalank gully boy kaaso ay la wado atariishadan sanadkan wacdaraha dhigtay ee alia bhatt taaso si weyn loogu amaanay bandhigeeda filimka raazi

 

alia bhatt iyo ranveer singh ayaa waxa ay ka qayb-galayn bandhig lagu bandhigaaya  goos-gooska filimkooda gully boy waxa ayna maanta kasoo hor-muuqdayn saxaafada inta ay ku guda jirayn bandhigaas

iyadoo halkaas alia bhatt lagu weydiiyay su’aal xiisaha badan taaso ahayd sida ay u aragto la shaqaynta labada aktar ee kala ah ranveer singh iyo ranbir kapoor

alia bhatt oo jawaabaysa ayaa waxa  ay tiri ” labada aktar waa kuwa meelo badan isaga mid ah waaana labo shaqsi oo aad u fiican kaliya waxa ay ku kala duwan yahay inan ranveer singh la sameenaayo filimka gully halka ranbir kapoor aan isna la sameenaayo filimka brahmastara ”

alia bhatt oo hadalkeeda si waadata waxaa hadalka kasoo dhex-galay aktarka ranveer singh isagoo yiri kaliyaa hadalkaaga maad ku dartid eray qaas ah oo aan in badan sugaynay

alia bhatt ayaa ayaa si weyn u qososhay iyadoo awoodi waysay inay hadalkeeda eray kale ku darto ranveer singh ayaa doonaayay inay alia bhatt saxaafada horteeda ka hor qirato xariirka kala dhaxeeyo ranbir kapoor

dhanka shaqada alia bhatt iyo ranveer singh waxaa dhawaan tiyaatarada loo saari doonaa filimkooda gully boy kaaso la daawan doono 14 February oo ku beegan maalinta jaceylka