Rasmi: Aamir Khan oo shaaca ka qaaday filimkiisa xiga xog walbo halkaan kaga bogo

Mr. Perfectionist Aamir Khan oo maanta u dabaal dagayo sanad guuradiisa 54-aad ayaa si rasmi ah shaaca kaga qaaday filimkiisa xiga waana arin siweyn u farxad galisay taageerayaashiisa madaama la wada sugaayay Superstar-kan xiliga uu ku dhawaaqi doono shaqadiisa xigta dhanka filim jilista.

Aamir Khan wuxuu saxaafada u sheegay filimkiisa xiga in la dhaho Laal Singh Chadha waxaana sheeko ahaan laga soo min guuriyay filimka Hollywood-ka ee Classic ah Forest Gump ee Tom Hanks abaal marino badan ku qaatay sidoo kalena mashruucaan waxaa Director ka ah Adviat Chandan oo horey u sameeyay filimka Secret Superstar.

Fadlan walaal xayeysiimaha web-ka Filimside Ku Dhufo hal mar oo kaliya xayeysiinta ka muuqato qoraalka aad aqrisaneysid.

Shirkada Viacom 18 Movies ayaa maal galineyso filimka Laal Singh Chadha waxayna shaqadiisa bilaaban doontaa bartamaha sanadkan halka la daawan doono gudaha sanadka dambe 2020 waana arin u wanagsan taageerayaasha Aamir Khan in haatan si rasmi ah u ogaadeen mashruuciisa.

Filimka Laal Singh Chadha wuxuu Aamir Khan xiran doonaa duubka madaxa ku xiraan reer Punjab ama Siinga Siingaha waxaana lagu kalsoon yahay in shaqadiisa bilaaban doonto bartamaha sanadkan duubistana uu Aamir toos u guda gali doono bisha September ee sanadkan.

Aamir Khan oo jecel door walbo inuu ka run sheego ayaa miisaankiisa 20-kiilo ka dhimi doono si uu doorkiisa filimka Laal Singh Chadha waxaana lagu kalsoon yahay Superstar-kan mashruuca uu doorto inuu noqon doono mid tayo ahaan aad u sareeyo.

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.

1 Comment

  1. Asc bahda flimside

    Waxaan aad ugu xiranahay boggaan anigoo kahela macluumaad badanoo aad iigu muhiim ah maadaama aan kamid ahay dadka aflaamta xiiseeya.

    Waxaan macluumaadkiisa u baahnaan lahaa filimkii Ghajini ee uu hugaamiyaha ka ahaa amir khan.
    Ma wuxuu noqday flim guuleysta mise fashilmay .
    Ani ahaan filmkaas wuu iga gadmay runtii

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*