Rasmi: Akshay Kumar oo soo bandhigay muuqaal kooban (Teaser) filimkiisa Kesari u gaar ah (+Video)

Xiisaha iyo hadal heynta filimka Kesari ayaa heerkii ugu sareesay gaartay kadib markii Superstar Akshay Kumar uu soo bandhigay muuqaal kooban (Teaser) oo 29-ilbiriqsi soconaayo una gaar ah filimkiisa Kesari.

Filimka Kesari sidoo kale atirishada Parineeti Chopra ayaa door dhameestiran ku leh waxaana goos gooskiisa dhameestiran (Trailer) lasoo bandhigi doonaa 21-ka bishan Febraayo halka filimkan taarikhiga ah tiyaatarada la saari doono 21 Maarso 2019.

Kumar ayaa filimkan ku jilaayo halgamaa Punjabi ah oo qarnigii 18-aad isaga iyo 21-kale oo muwaadiniin Hindi ah dhanka Waqooyiga kula dageeleen guuto ciidan Ingiriiska watay oo dhanka Afghanistan Hindiya kasoo galeen una socdeen inay Waqooyiga Hindiya qabsadaan.

Waa hubaal filimkan taariikhda dhacday ku saleesay iyo dagaalkii caanka ahaa in daawadayaasha Hindiga ah siweyn usoo dhaweyn doonaan haddii Director Anurag Singh fariinta mashruucaan si wacan u dhigo.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska kooban ee filimka Kesari laga soo bandhigay waxaana soo saare ka ah Karan Johar shirkadiisa Dharma Productions:

F-G: Fadlan walaal xayeysiimaha web-ka Filimside Click kusii hal mar oo kaliya xayeysiinta ka muuqato qoraalka aad aqrisaneysid.

Xitaa haddii qoraalka uusan ku xiiso galineyn fadlan xayeysiinta Click noogu sii midaas ayaa muhiim noo ah anagana abaal ayaan kaaga heynaa.

Warbixin walbo xayeysiin ayay wadaata nagu caawi xayeysiimaha kala duwan inaad halmar Click ku siisid

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*