Home BOX OFFICE Rasmi: Article 15 todobaadkiisa labaad ganacsiga uu sameeyay & Spiderman - Far...

Rasmi: Article 15 todobaadkiisa labaad ganacsiga uu sameeyay & Spiderman – Far From Home todobaadkiisa kowaad

Filimk Article 15 oo uu hogaamiye ka yahay Ayushmann Khurrana ayaa 18 Crore (Trade Figure) wuxuuna sameeyay 50% hoos u dhac ah marka lala bar bar dhigo todobaadkiisii kowaad ganacsiga uu sameeyay waxaana 1 Crore ay kaga luntay cayaartii Cricket-ka Talaado iyo Arbaco la cayaaray.




Filimka Article 15 wuxuu soo xareeyay 52 Crore ($7.55m) mudo labo todobaad ah waxayna u badan tahay HIT dhameestiran inuu noqon doono balse waa in uusan todobaadkiisa sedexaad hoos u dhac weyn sameynin inkastoo uu loolan adag kala kulmi doono filimka Super 30 oo maanta tiyaatarada ugu badan la saaray.




Dhinaca kale filimka Hollywood-ka ah Spiderman – Far From Home ayaa ganacsi heer sare ah sameeyay todobaadkiisa kowaad oo mudo 8-maalmood ah madaama Khamiistii hore tiyaatarada gudaha Hindiya la saaray wuxuuna keenay 59 Crore ($8.57m) waana mashruuc guuleestay oo laga rabo todobaadkiisa labaad inuu ganacsi ahaan is celiyo si uu HIT dhameestiran u noqdo.

Sidoo kale filimka Malaal ee labada fanka ku cusub lagu soo caan bixinaayay Meezaan, Sharmin Sehgal ayaa ganacsi ahaan bur buray wuxuuna keenay 2.75 Crore ($399k) inta badana ganacsigiisa wuxuu ka sameeyay gobolka Maharashtra ee Mumbai xarunta u tahay.




WARARKA UGU DANBEEYAY

Wararkii ugu dambeeyay Koonfur Hindiya: Tamil, Telugu, Malayalam iyo Kannada maxaa ka jiro

  Maalin wanaagsan dhamaan aqristayaasha shabakada Filimside ku xiran kuna soo dhawaadao barnaamijkeena aan idin kula wadaagno warbixino kooban oo ku saab saabsan dhanka fanka...

Ahan Shetty iyo Tara Sutaria filimkooda Tadap oo dib u dhac ku yimid duubistiisa

  Ruug cadaa Suniel Shetty wiilkiisa Ahan Shetty waxaa lagu soo caan bixinaa filimka Telugu ah ee Blockbuster-ka weyn noqday RX 100 oo loo bixiyay...

Rasmi: Filimka The Lion King iyo Isniintiisa kowaad ganacsiga weyn uu sameeyay

  Filimka Hollywood-ka ah The Lion King ayaa hoos u dhac 30% sameeyay Isniintiisa kowaad ganacsi ahaan marka lala bar bar dhigo Jimcadiisii kowaad lacagaha...

Rasmi: Filimka Super 30 iyo ganacsiga adag uu sameeyay Isniintiisa labaad

  Superstar Hrithik Roshan filimkiisa Super 30 ayaa ganacsi adag sameeyay Isniintiisa labaad wuxuuna keenay 3 Crore ($434k) waxayna ka dhigan tahay mudo 11-maalmood ah inu soo...