Rasmi: Badla Isniintiisa labaad ganacsiga ay sameeyeen gudaha Hindiya iyo suuqyada caalamka halka uu ka maraayo

Amitabh Bachchan, Taapsee Pannu iyo Amrita Singh filimkooda Badla ayaa ganacsi adag sameeyay Isniintiisa labaad wuxuuna keenay 2.50 Crore ($364k) taasi oo ka dhigan mudo 11-maalmood ah filimkan inuu soo xareeyay 58.54 Crore ($8.53m) (Trade Figure).

Sida muuqato filimka Badla oo HIT noqday todobaadkiisa labaad wuxuu keeni doonaa 28 Crore sidoo kalena wadarta guud mudo labo todobaad ah ganacsigiisa wuxuu gaari doonaa 66 Crore asigoo mudo labo todobaad ah ku dhaafi doono Amitabh iyo Taapsee filimkoodii Pink (2016) cimri ahaantiisa ganacsiga uu soo xareeyay.

Fadlan walaal xayeysiimaha web-ka Filimside Ku Dhufo hal mar oo kaliya xayeysiinta ka muuqato qoraalka aad aqrisaneysid.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Badla iyo mudo 11-maalmood ah ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 37.79 Crore (rasmi)

Jimco labaad – 3.75 Crore

Sabti labaad – 6.50 Crore

Axad labaad – 8 Crore

Isniin labaad – 2.50 Crore

Todobaadka labaad – (20.75 Crore mudo 4-maalmood ah)

Wadarta Guud – 58.54 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale filimka Badla suuqyada caalamka ganacsi heer sare ah ayuu ka sameenayaa wuxuuna soo xareeyay  $ 3.70m [25.38 cr] sidoo kalena suuqyada muhiimka ah ganacsiga uu ka sameeyay fadlan hoos kaga bogo:

USA+Canada: $ 1.32 mn

UAE+GCC: $ 1.45 mn

Australia: $ 224k

UK: $ 213k

Dunida inteeda kale: $ 493k

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.