Rasmi: Captain Marvel oo HIT noqday madaama uu si wacan isku celiyay Jimcadiisa labaad

Filimka Hollywood-ka ah Captain Marvel ayaa gudaha HIT dhameestiran ka noqday sida shabakada Boxoffice India (BOI) soo daabacday madaama Jimcadiisa labaad uu ganacsi wacan sameeyay wuxuuna keenay 3 Crore (Trade Figure) sidoo kalena mudo 8-maalmood ah filimkan wuxuu keenay 60 Crore (Trade Figure).

Madaama aysan jirin filimo saameyn leh oo shalay tiyaatarada la saaray waxay u ahayd Captain Marvel inuu ganacsigiisa sii wato filimkan Super Hero-ga ah oo haatan heesto fursad wacan oo uu 80 Crore cimri ahaantiisa ku gaari karo wuxuuna ka mid noqon doonaa 10-ka filim ee Hollywood ah kuwooda lacagaha ugu badan gudaha Hindiya kasoo xareeyeen.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Captain Marvel iyo mudo 8-maalmood ah lacagaha uu gudaha Hindiya ka keenay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Fadlan hoos kaga bogo 7-maalmood ugu horeesay iyo filimka Captain Marvel ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada BOI:

Jimco – 12.85 Crore

Sabti – 14 Crore

Axad – 13.50 Crore

Isniin – 5 Crore

Talaado – 4.25 Crore

Arbaco – 3.50 Crore

Khamiis – 3.15 Crore

Todobaadka kowaad – 56.25 Crore 

Jimco labaad – 3 Crore

Wadarta Guud – 59.25 Crore (Trade Figure)

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*