Rasmi: Filimada Badla iyo Captain Marvel ganacsiga ay gudaha Hindiya ka sameeyeen todobaadkooda kowaad

Amitabh Bachchan iyo Taapsee Pannu filimkooda Badla ayaa ganacsi adag sameeyay maal maha shaqada laga bilaabo Isniin ilaa Khamiiis lacagaha uu keenayay maalin walbo 3.50 Crore kama hoos mareyn taasi oo ka dhigtay mashruucaan sida gaabiska ah ku bilaawday markii hore inuu todobaadkiisa kowaad keeno 37.25 Crore (Trade Figure).

Waa hubaal in Badla todobaadkiisa labaad ganacsi adag sameyn doono madaama uu maal maha shaqada uu soo qabtay ganacsi ahaan filimka Hollywood-ka ah Captain Marvel oo sedexdii maalmood ugu horeesay ka ganacsi badnaa Badla.

Fadlan walaal xayeysiimaha web-ka Filimside Ku Dhufo hal mar oo kaliya xayeysiinta ka muuqato qoraalka aad aqrisaneysid.

Filimka Badla waa hubaal inuu HIT noqonaayo sidoo kalena hoos kaga bogo filimkan 7-maalmood ugu horeyso ganacsiga uu sameeyay soona daabacay shabakada BOI:

Jimco – 5 Crore

Sabti – 8.25 Crore

Axad – 9.50 Crore

Isniin – 3.75 Crore

Talaado – 3.85 Crore

Arbaco – 3.50 Crore

Khamiis – 3.50 Crore

Wadarta Guud – 37.35 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale filimka Hollywood-ka ah Captain Marvel ayaa ganacsi wanaagsan sameeyay todobaadkiisa kowaad asigoo sedexda maalmood ugu horeesay siweyn u gadmay kadibna afartiisa maalmood dambe maal maha shaqada gaabis ganacsigiisa ka muuqday.

Captain  Marvel todobaadka kowaad wuxuu keenay 56.25 Crore (Trade Figure) waana filim guuleestay oo ay u badan tahay inuu HIT noqonaayo haddii uusan Jimcadiisa labaad hoos u dhac waali ah sameynin.

Fadlan hoos kaga bogo 7-maalmood ugu horeesay iyo filimka Captain Marvel ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada BOI:

Jimco – 12.85 Crore

Sabti – 14 Crore

Axad – 13.50 Crore

Isniin – 5 Crore

Talaado – 4.25 Crore

Arbaco – 3.50 Crore

Khamiis – 3.15 Crore

Wadarta Guud – 56.25 Crore (Trade Figure)

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.

2 Comments

  1. Zxp zaki suaal aan ku waydiiyee gabadhan sawirka filimkan captain America ku sawiran maxay ahayd qaybtan ma gabadh actorka sidiisi oo kale awood leh ayaa soo baxaysa super hero ah waxaad kaloo iisheegtaa qaybtani waa qaybtii imisaad

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*