Home BOX OFFICE Rasmi: Filimada Kabir Singh, Article 15 & Spiderman ganacsi ay shalay sameeyeen...

Rasmi: Filimada Kabir Singh, Article 15 & Spiderman ganacsi ay shalay sameeyeen cayaratii Cricket-ka ayaa saameyn ku yeelatay

 

Shahid Kapoor filimkiisa Kabir Singh ayaa keenay 3 Crore (Trade Figure) Talaadadiisa sedexaad wuxuuna sameeyay 25% hoos u dhac ah madaama ay saameyn ku yeelatay cayaratii Cricket-ka koobka duunka nus dhamaadkiisa Hindiya la cayaareen New Zealand balse caqabada wey jiri doontaa madaama kulankaas shalay roob hakiyay oo maanta la ama qaadi doono.




Filimka Kabir Singh wuxuu haatan soo xareeyay 240.06 Crore ($34.85m) waxaana muuqato mashruucan in 270 Crore ilaa 275 Crore cimri ahaantiisa ganacsi ahaan ku istaagi doono madaama Jimcadan inta badan tiyaatarada la wareegi doono filimka Super 30 ee Hrithik Roshan hogaamiye ka yahay.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Kabir Singh iyo ganacsiga weyn ee uu sameeyay mudo 19-maalmood ah sida ay soo daabacday shabakada BOI:

Todobaadka kowaad – 133.13 Crore (rasmi)

Todobaadka labaad – 78.18 Crore (rasmi)

Jimco sedexaad – 5.25 Crore

Sabti sedexaad – 7 Crore

Axad sedexaad – 9.50 Crore

Isniin sedexaad – 4 Crore

Talaado sedexaad – 3 Crore

Todobaadka sedexaad – 28.75 Crore (mudo 3-maalmood ah)

Wadarta Guud – 240.06 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale Ayushmann Khurrana filimkiisa Article 15 sidoo kale cayaartii Cricket-ka ayaa saameyn ku yeelatay madaama uu keenay 1.25 Crore (Trade Figure) Talaadadiisa labaad waxayna ka dhigan tahay mudo 12-maalmood ah inuu soo xareeyay 48.74 Crore ($7.08m).

Filimka Article 15 wuxuu halis ugu jiraa darajada HIT inuu gaari waayo oo uu Semi Hit noqdo waxaana sabab u noqon karto shalay cayaartii ganacsigiisa hoos u dhigtay maantana wey jirtaa halka Jimcadaana filimka Super 30 tiyaatarada la wareegi doono labadaas caqabad ayaa u diidi karto HIT dhameestiran inuu noqdo ama uu 60 Crore sare u dhaafo.




Fadlan hoos kaga bogo filimka Article 15 iyo mudo 12-maalmood ah ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 33.74 Crore (rasmi)

Jimco labaad – 2.50 Crore

Sabti labaad – 4 Crore

Axad labaad – 5.25 Crore

Isniin labaad – 2 Crore

Talaado labaad – 1.25 Crore

Todobaadka labaad – 15 Crore (mudo 5-maalmood ah)

Wadarta Guud – 48.74 Crore (Trade Figure)

Ugu dambeyntii filimka Hollywood-ka ah Spiderman – Far From Home ayaa hos u dhac weyn qabsaday shalay oo Talaado ahayd madaama uu keenay 3 Crore (Trade Figure) wuxuuna soo xareeyay ilaa iminka 52 Crore ($7.55m) sidoo kalena maanta caqabad kale ayuu la kulmi doonaa madaama cayaratii shalay Cricket-ka dib loo amba qaadi doono.

Sida muuqato Spiderman – Far From Home wuxuu noqon doonaa filim guuleestay gudaha Hindiya balse HIT ma noqon doono waxaana qasab ku ah in todobaadkiisa labaad si adag u gadmo weyna ku adag tahay madaama Jimcadan filimka Super 30 tiyaatarada ugu muhiimsan Multiplex la wareegi doono. Waxaa la islahaa sida filimkii Captain Marvel  oo bilawgii sanadkan soo baxay oo kale ayuu HIT noqon doonaa laakiin caqabadaha Spiderman qabsadeen awgeed HIT dhameestiran ma noqon karo.

Fadlan hoos kaga bogo mudo 6-maalmood ah ganacsiga uu gudaha Hindiya ka sameeyay soona daabacda shabakada Boxoffice India (BOI):

Khamiis – 9.75 Crore

Jimco – 8.50 Crore

Sabti – 12 Crore

Axad – 14.50 Crore

Isniin – 4.50 Crore

Talaado – 3 Crore

Wadarta Guud – 52.25 Crore (Trade Figure)




WARARKA UGU DANBEEYAY

Wararkii ugu dambeeyay Koonfur Hindiya: Tamil, Telugu, Malayalam iyo Kannada maxaa ka jiro

  Maalin wanaagsan dhamaan aqristayaasha shabakada Filimside ku xiran kuna soo dhawaadao barnaamijkeena aan idin kula wadaagno warbixino kooban oo ku saab saabsan dhanka fanka...

Ahan Shetty iyo Tara Sutaria filimkooda Tadap oo dib u dhac ku yimid duubistiisa

  Ruug cadaa Suniel Shetty wiilkiisa Ahan Shetty waxaa lagu soo caan bixinaa filimka Telugu ah ee Blockbuster-ka weyn noqday RX 100 oo loo bixiyay...

Rasmi: Filimka The Lion King iyo Isniintiisa kowaad ganacsiga weyn uu sameeyay

  Filimka Hollywood-ka ah The Lion King ayaa hoos u dhac 30% sameeyay Isniintiisa kowaad ganacsi ahaan marka lala bar bar dhigo Jimcadiisii kowaad lacagaha...

Rasmi: Filimka Super 30 iyo ganacsiga adag uu sameeyay Isniintiisa labaad

  Superstar Hrithik Roshan filimkiisa Super 30 ayaa ganacsi adag sameeyay Isniintiisa labaad wuxuuna keenay 3 Crore ($434k) waxayna ka dhigan tahay mudo 11-maalmood ah inu soo...