Home BOX OFFICE Rasmi: Filimada Kabir Singh iyo Article 15 ganacsiga ay sameeyeen shalay oo...

Rasmi: Filimada Kabir Singh iyo Article 15 ganacsiga ay sameeyeen shalay oo Arbaco ahayd

 

Shahid Kapoor filimkiisa Kabir Singh ganacsigiisa markale caqabad ku noqday cayaartii Cricket-ka koobka aduunka nus dhamaadkiisa Hindiya guuldaro kala kulmeen New Zealand wuxuuna filimkan keenay shalay o Arbaco ahayd 3.15 Crore (Trade Figure).




Waxaa xusid filimkan mudo 20-maalmood ah soo xareeyay 243 Crore ($35.29m) waxaana lagu kalsoon yahay mashruucan inuu 275 Crore cimri ahaantiisa gaari doono balse caqabada wey jiri doontaa madaama Jimcadan filimka Super 30 ee Hrithik Roshan hogaamiyaha ka yahay oo inta badan tiyaatarada la wareegi doono.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Kabir Singh mudo 20-maalmood ah ganacsiga uu gudaha Hindiya ka sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 133.13 Crore (rasmi)

Todobaadka labaad – 78.18 Crore (rasmi)

Jimco sedexaad – 5.25 Crore

Sabti sedexaad – 7 Crore

Axad sedexaad – 9.50 Crore

Isniin sedexaad – 4 Crore

Talaado sedexaad – 3 Crore

Arbaco sedexaad – 3.15 Crore




Todobaadka sedexaad – 31.90 Crore (mudo 6-maalmood ah)

Wadarta Guud – 243.06 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale Ayushmann Khurrana filimkiisa Article 15 sare u kac 15% ayuu sameeyay shalay wax saameyn ah kuma yeelanin cayaartii Cricket-ka ahayd wuxuuna keenay 1.50 Crore (Trade Figure) shalay oo Arbaco ahayd waxayna ka dhigan tahay mudo 13-maalmood ah inuu soo xareeyay 50.24 Crore ($7.29m).

Fadlan hoos kaga bogo filimka Article 15 iyo mudo 13-maalmood ah ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 33.74 Crore (rasmi)

Jimco labaad – 2.50 Crore

Sabti labaad – 4 Crore

Axad labaad – 5.25 Crore

Isniin labaad – 2 Crore

Talaado labaad – 1.25 Crore

Arbaco labaad – 1.50 Crore

Todobaadka labaad – 16.50 Crore (mudo 6-maalmood ah)

Wadarta Guud – 50.24 Crore (Trade Figure)




WARARKA UGU DANBEEYAY

Wararkii ugu dambeeyay Koonfur Hindiya: Tamil, Telugu, Malayalam iyo Kannada maxaa ka jiro

  Maalin wanaagsan dhamaan aqristayaasha shabakada Filimside ku xiran kuna soo dhawaadao barnaamijkeena aan idin kula wadaagno warbixino kooban oo ku saab saabsan dhanka fanka...

Ahan Shetty iyo Tara Sutaria filimkooda Tadap oo dib u dhac ku yimid duubistiisa

  Ruug cadaa Suniel Shetty wiilkiisa Ahan Shetty waxaa lagu soo caan bixinaa filimka Telugu ah ee Blockbuster-ka weyn noqday RX 100 oo loo bixiyay...

Rasmi: Filimka The Lion King iyo Isniintiisa kowaad ganacsiga weyn uu sameeyay

  Filimka Hollywood-ka ah The Lion King ayaa hoos u dhac 30% sameeyay Isniintiisa kowaad ganacsi ahaan marka lala bar bar dhigo Jimcadiisii kowaad lacagaha...

Rasmi: Filimka Super 30 iyo ganacsiga adag uu sameeyay Isniintiisa labaad

  Superstar Hrithik Roshan filimkiisa Super 30 ayaa ganacsi adag sameeyay Isniintiisa labaad wuxuuna keenay 3 Crore ($434k) waxayna ka dhigan tahay mudo 11-maalmood ah inu soo...