Rasmi: Filimada Kesari iyo Badla ganacsigooda halka uu maraayo iyo shalay oo Axad lacagaha ay soo xareeyeen

Superstar Akshay Kumar filimkiisa Kesari ayaa keenay 3.50 Crore (Trade Figure) todobaadkiisa afraad sedexda maalmood ugu horeyso waxayna ka dhigan tahay wadarta guud inuu filimkan ilaa haatan soo xareeyay 147.50 Crore (Trade Figure) waxaana muuqato in 3 Crore ilaa 4 Crore dheeri ah ka hor inta uusan tiyaatarada ka dagin.

Fadlan hoos kaga bogo Kesari iyo ganacsiga guud uu tiyaatarada gudaha Hindiya kasoo xareeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 103.18 Crore (mudo 8-maalmood ah) (Rasmi)

Todobaadka labaad – 29.62 Crore (Rasmi)

Todobaadka sedexaad – 11 Crore (Qiyaas)

Jimco afaraad – 60 Lakh (Qiyaas)

Sabti afaraad – 1.25 Crore (Qiyaas)

Axad afaraad – 1.60 Crore (Qiyaas)

Todobaadka afaraad – 3.50 Crore (mudo 3-maalmood ah)

Wadarta Guud – 147.67 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale Amitabh Bachchan iyo Taapsee Pannu filimkooda Badla ayaa keenay 1.25 Crore (Trade Figure) todobaadkiisa lixaad sedexda maalmood ugu horeyso wuxuuna wadarta guud haatan ganacsi ahaan filimkan marayaa 86.27 Crore (Trade Figure).

Filimka Badla waxay u badan tahay inuu ganacsi ahaan soo qaban doono ama dhaafi doono filimka Luka Chuppi oo cimri ahaantiisa ku istaagay 87.50 Crore (Trade Figure) balse culees wuxuu kala kulmi karaa filimka Kalank oo Arbacadan tiyaatarada guud la wareegayo.

Fadlan hoos kaga bogo Badla iyo ganacsiga guud uu tiyaatarada gudaha Hindiya kasoo xareeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 37.79 Crore (Rasmi)

Todobaadka labaad – 28.98 Crore (Rasmi)

Todobaadka sedexaad – 10.66 Crore (Rasmi)

Todobaadka afaraad – 5.35 Crore (Rasmi)

Todobaadka shanaad – 2.25 Crore (Qiyaas)

Jimco lixaad – 20 Lakh (Qiyaas)

Sabti lixaad – 45 Lakh (Qiyaas)

Axad lixaad – 60 Lakh (Qiyaas)

Todobaadka lixaad – 1.25 Crore (mudo 3-maalmood)

Wadarta Guud – 86.27 Crore (Trade Figure)

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*