Rasmi: Filimada Petta iyo Visawasam mudo labo maalmood ah ganacsiga ay gudaha Hindiya ka sameeyeen

Shabakada Boxoffice India (BOI) ayaa isku hawleyso inay soo daabacdo xogaha labada filim ee waa weyn Koonfur Hindiya laga leeyahay Petta iyo Visawasam mudo labo maalmood ah ganacsiga ay sameeyeen.

Superstar Rajinkanth filimkiisa Petta ayaa keenay 35.50 Crore ganacsigiisa gudaha Hindiya dhamaan luqadaha lagu daawanayo sidoo kale Ajith Kumar filimkiisa Viswasam ayaa keenay 33.50 Crore ganacsigiisa gudaha Hindiya la isku daray.

Ajith Kumar filimkiisa Viswasam hal luqad ayaa lagu daawanayaa halka Rajinikanth filimkiisa Petta lagu daawanayo luqadaha Tamil, Telugu iyo Hindi haddana inuu 2 Crore kaliya dheeraado Ajith filimkiisa waa arin muujineyso in loolanka aad u sareeyo. Sidoo kale Ajith Kumar filimkiisa Viswasam waxaa caawinayo inuu ka miisaaniyad yar yahay Rajinikanth filimkiisa Petta.

Fadlan hoos kaga bogo filimada Petta iyo Viswasam ganacsiga ay sameeyeen labada maalmood ugu horeyso gudaha Hindiya waxaana soo daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Petta

Khamiis – 18 Crore

Jimco – 17.50 Crore

Wadarta – 35.50 Crore

Viswasam

Khamiis- 16.25 Crore

Jimco- 17.25 Crore

Wadarta Guud- 33.50 Crore

Dhinaca suuqyada caalamka wararka hordhaca waxay sheegayaan in Petta siweyn kaga ganacsi badan yahay Viswasam madaama Rajinikanth cidna aysan kula tartami karin daafaha caalamka waxaan sugnaaba waa xogta Boxoffice India (BOI) kasoo daabici doonto labadan filim ganacsigooda suuqyada caalamka.

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.