Rasmi: Filimada Petta iyo Viswasam maalinta kowaad ganacsiga ay gudaha Hindiya ka sameeyeen

Labada Superstar Rajinikanth iyo Ajith Kumar wax wanaagsan uma ahayn inay Boxoffice-ka ku hardamaan madaama ganacsiga filimadooda ay dhuunta is qabteen maalinta kowaad haddii hal filim kaligiis la daawan lahaa feestada Pongal ganacsi iskoor ah ayuu sameyn lahaa.

Ajith Kumar filimkiisa Viswasam ayaa gobolka Tamil Nadu kaga lacag badiyay Rajinikanth filimkiisa Petta waana arin laba filaan ah waxaana xusid mudan in Ajith filimkiisa Tamil Nadu ka keenay maalintiisa kowaad 13.50 Crore halka Rajinikanth filimkiisa Petta uu maalinta kowaad Tamil Nadu kaliya ka keenay 11 Crore.

Sidoo kale dhamaan luqadaha gudaha Hindiya looga daawaday labadan filim marka la xisaabiyo waxaa ganacsi ahaan horeeyo Rajinkanth filimkiisa Petta oo maalinta kowaad keenay 18 Crore halka Ajith Kumar filimkiisa Viswasam uu keenay 16.25 Crore balse Visawasam gobolka Telugu lagama daawanin oo 25-ka bishan ayaa la saari doonaa taasi oo ka dhigan in Ajith dagaalka gudaha Hindiya fagta kowaad looga guuleesanin ileen suuq muhiim ah ayuu ka baaqday filimkiisa.

Fadlan hoos kaga bogo taariikh ahaan 14-ka filim ee gobolka Tamil Nadu bilaabashada ugu wanaagsan ka sameeyeen maalinta kowaad waxaana jiro hal filim oo maalintiisa kowaad 20 Crore ka talaabsaday lacagaha nadiifka ah canshuurta ka hor waana Sarkar oo fasaxii Diwali 2018 la daawaday waxaana xogtaan kasoo xiganay shabakada Boxoffice India (BOI):

1. Sarkar – 22.55 Crore (Vijay)

2. Kabali – 19.68 Crore (Rajinikanth)

3. Mersal – 18.43 Crore (Vijay)

4. 2.0 – 14.86 Crore (Rajinikanth)

5. Vedalam – 14.51 Crore (Ajith Kumar)

6. Theri – 13.58 Crore (Vijay)

7. Viswasam – 13.50 Crore (Qiyaas) (Ajith Kumar)

8. Vivegam – 12.74 Crore (Ajith Kumar)

9. Lingaa – 12.62 Crore (Rajinikanth)

10. Kaththi – 12.49 Crore (Vijay)

11. Bairavaa – 12.22 Crore (Vijay)

12. Kaala – 12.05 Crore (Rajinikanth)

13. Endhiran – 11.59 Crore (Rajinikanth)

14. Petta – 11 Crore (Qiyaas) (Rajinikanth)

Tamil Industry ama fanka Tamil ee loo yaqaan Kollywood sida sare ka muuqato waxaa awood ku heestaan sedex Superstar Rajinikanth, Vijay iyo Ajith Kumar madaama 14-ka filim ugu bilaabashada wanaagsan ebid gobolka Tamil Nadu iyaga sameeyeen ma jiro atoore kale oo liiskan soo galay sidaa darteed Suriya iyo Vikram waa laga tagay waa inay dib isku soo abaabulaan!

Dhinaca kale marka suuqyada caalamka laga hadlaayo filimka Petta ayaa in badan ku xoog badan oo Rajinikanth filimkiisa Petta ganacsi weyn ayuu ka sameeyay suuqyada muhiimka ah sida USA, UK/ Gulf iyo meelo waana looga awood badiyat Ajith Kumar daafaha caalamka, waan soo daabici doonaa ganacsiga suuqyada caalamka ka sameeyeen labadan insha Allah.

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.