Rasmi: Filimada Uri iyo The Accidental Prime Minister maalinta kowaad ganacsiga ay sameeyeen

Vicky Kaushal, Yammy Gautam iyo Paresh Rawal filimkooda Uri ayaa maalinta kowaad ganacsi wacan sameeyay wuxuuna keenay 8 Crore ilaa 8.25 Crore ganacsi u dhaxeeyo sida ay soo daabacday shabakada Boxoffice India (BOI) waana lacago heer sare ah marka loo fiiriyo hogaamiyaha filimkan Vicky Kaushal inuusan Star Power ama awood atoorenimo uu kaligiis aflaan ku gado laheyn.

Waxaa isbadal lagu sameeyay nidaamka canshuuraadka aflaanta Hindiga ah looga qaado ayadoo haatan 10% ilaa 12% laga dhigay in lacagta guud filimka soo xareeyo laga qaado waana arin sababtay in Uri ganacsigiisa sareeyo sidoo kalena aflaanta waa weyn ee sanadkan soo bixi doonaan xiliga xagaaga ee dadka tiyaatarada siweyn uso aadaan ayaa ka faa’iideesan doonaan isbadalkan dhanka canshuurta mada daalada lagu sameeyay.

Uri wuxuu heestaa fursad uu guul wacan ku gaari karo madaama lagu kalsoon yahay sabti iyo axad inuu ganacsi adag sameeyo balse wuxuu culeeska ka heestaa miisaaniyaadiisa oo badan iyo in kaliya uu ganacsi ahaan ku xoogan yahay tiyaatarada reer magaalka usoo daawasho tagaan ee Multiplex loo yaqaano.

Dhinaca kale filimka The Accidental Prime Minister oo ay hogaamiyaal ka yihiin Anupam Kher iyo Akshaye Khanna ayaa bilaabasho dhex dhexaad ah la yimid wuxuuna maalinta kowaad keenay 3.50 Crore (Trade Figure) ayadoo ay caawisay muranka uu dhexda ka galay iyo nidaamka canshuurta aflaanta looga qaado oo isbadal weyn lagu sameeyay.

The Accidental Prime Minister isagana waa filim reer magaalka daawanayaan sidaa darteed sabti iyo axad ganacsigiisa sare ayuu ku kici doonaa balse laga bilaabo Isniin ilaa Khamiis waxaa laga rabaa inuusan hoos u dhac sameynin oo uu filimkan is celiyo si todobaadkiisa labaad tiyaataro ku filan loo siiyo.

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*