Rasmi: Filimada Zero iyo KGF (Hindi) shalay oo Jimco ahayd ganacsiga ay sameeyeen

SRK filimkiisa Zero gabi ahaanba tiyaatarada wuu isaga dagi rabaa madaama shalay oo Jimco ahayd uu keenay 10 Lakh (Trade Figure) waana Jimcadiisa sedexaad ee uu masraxa saaran yahay. Haatana waxaa shaki weyn ku jiraa in cimri ahaantiisa 90 Crore xitaa gaari karo filimkan sida weyn Boxoffice-ka ugu fashilmay.

Zero iyo lacagaha uu soo xareeyayo mudo 15-maalmood ah hoos kaga bogo soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 81.86 Crore

Todobaadka labaad – 6.25 Crore

Jimco sedexaad – 10 Lakh

Wadarta Guud – 88.21 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale filimka KGF ee Rocking Star Yash hogaamiye ka yahay ayaa weli is celinaayo qaybtiisa Af Hindiga lagu daawanayo wuxuuna keenay 75 Lakh (Trade Figure) Jimcadiisa sedexaad wuxuuna HIT ka yahay Mumbai halka Hindiya intaa kale uu guul dhex dhexaad ah ka gaaray waxaana ka hadleynaa qaybtiisa Af Hindiga lagu daawanayo.

Filimka KGF mudo 15-maalmood ah ganacsiga uu sameeyay qaybtiisa Af Hindiga lagu daawanyo fadlan qoraalka hoose kaga bogo waxaana soo daabacday shabakada BOI:

Todobaadka kowaad – 21.21 Crore

Todobaadka labaad – 10.50 Crore

Jimco sedexaad – 75 Lakh

Wadarta Guud – 32.46 Crore (Trade Figure)

Sida muuqato KGF ganacsigiisa guud dhamaan luqadaha lagu daawanayo 150 Crore ayuu ka tilaaban doonaa marka uu dhameesto todobaadkiisa sedexaad sedexda maalmood ee ugu horeyso taasi oo ka dhigan shirkada Kannada ee gobolka Karnataka ka jirto guul weyn u horseeday filimka KGF.

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.