Rasmi: Filimada Zero iyo KGF (Hindi) todobaadkooda sedexaad ganacsiga ay sameeyeen

SRK filimkiisa Zero ayaa hoos u dhac xad dhaaf ah sameeyay todobaadkiisa sedexaad wuxuuna keenay ganacsi 1 Crore ka yar oo ah 88 Lakh (Trade Figure) taasi oo ka dhigan in filimkan 88.88 Crore (Trade Figure) uu mudo sedex todobaad ama 21-cisho soo xareeyay filimkan sida weyn u fashilmay sidoo kalena cimri ahaantiisa 89 Crore ayuu ku istaagi doonaa.

Fadlan hoos kaga bogo Zero iyo ganacsiga uu sameenayay todobaad walbo sedexdiisa todobaad ugu dambeesay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 81.86 Crore

Todobaadka labaad – 6.22 Crore

Todobaadka sedexaad – 80 Lakh

Wadarta Guud – 88.88 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale filimka KGF qaybtiisa Af Hindiga lagu daawanayo ee hogaamiye ka yahay Rocking Star Yash ayaa u suura gashay inuu si wacan isku celiyo wuxuuna keenay todobaadkiisa sedexaad 6 Crore (Trade Figure) taasi oo ka dhigan in filimkan soo xareeyay 37.88 Crore (Trade Figure) qaybtiisa Af Hindiga lagu daawanayo.

KGF waa filim guuleestay oo Af Hindi lagu daawaday sidoo kalena waa filimka ugu horeeyay ee Tamil iyo Telugu sameynin ee Af Hindi lagu daawaday oo guul wacan gaaro waxayna guushan weyn usoo hoyotay shirkada Kannada ee filimka KGF sameesay kana jirto gobolka Karnataka.

Filimada Koonfur Hindiya sameeyeen kuwooda guulaha taariikhiga ah gaareen ee Af Hindi lagu daawaday waxaa ka mid ah Bahubali – The Conclusion (2017), Bahubali – the Beginning (2015), Hindustani (1996), Humse Hai Muqabala (1994) iyo Bombay (1995) waxayna noqdeen BIG HITS sidoo kalena filimada Roja (1992), Appu Raja (1989) iyo KGF guul dhex dhexaad leh ayay ku gaareen luqada Af Hindiga lagu daawaday.

Fadlan hoos kaga bogo filimka KGF iyo qaybtiisa Af Hindiga lagu daawanayo mudo sedex todobaad ah ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 21.21 Crore

Todobaadka labaad – 10.59 Crore

Todobaadka sedexaad – 6 Crore

Wadarta Guud – 37.88 Crore (Trade Figure)

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.