Rasmi: Filimka 2.0 iyo Talaadadiisa kowaad ganacsiga uu sameeyay qaybtiisa Af Hindiga lagu daawanayo

Filimka weyn 2.0 waxaa u suura gashay maalintiisa lixaad ee uu tiyaatarada saaran yahay xisaabta labo godlaha ah inuu gaaro qaybtiia Af Hindiga lagu daawanayo wuxuuna keenay 11.50 Crore (Trade Figure) asigoo sameeyay 15% hoos u dhac marka lala bar bar dhigo Isniintiisii kowaad ganacsiga uu sameeyay.

Mudo lix maalmood ah 2.0 wuxuu kusoo xareeyay 120 Crore waxaana muuqato in todobaadkiisa maalmood ugu horeyso inuu keenayo 130 Crore waana ganacsi heer sare ah kadib Jimcadiisa labaad ganacsiga uu sameeyo ayaa laga cabir qaadan doonaa halka uu hiigsanayo.

2.0 mudo lix maalmood ah inuu 120 Crore kusoo xareeyay waa ganacsi heer sare ah madaama filimkan luqado kale gudaha Hindiya looga daawanayo haddii Af Hindi kaliya lagu daawan lahaa 135 Crore ayuu ganacsigiisa mudo lix maalmood ah mari laha qayb Af Hindiga lagu daawanayo.

2.0 Jimcadaan waxaa tiyaatarada la qeebsan doono filimka Kedarnath  oo ah hogaamiyaal ka yihiin Sushant Singh Rajput iyo Sara Ali Khan waana filim reer magaalka loogu tala galay balse tiyaatarada Single Screens waxay u xirnaan doontaa 2.0.

Fadlan hoos kaga bogo mudo 5-maalmood ah ganacsiga uu sameeyay filimka 2.0 soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Khamiis – 20 Crore

Jimco – 18 Crore

Sabti – 24 Crore

Axad – 33.25 Crore

Isniin – 13.75 Crore

Talaado – 11.50 Crore

Wadarta Guud – 120.25 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale kooxda filimka 2.0 iska leh ganacsiga ay baahinayaan qaybtiisa Af Hindiga lagu daawanayo sidoo kalena filim falanqeeye Taran Adarsh soo daabacay waxay ku sheegeen mudo lix maalmood ah inuu soo xareeyay 122.50 Crore (Producer Figure) sida aad hoos ka bogon kartid ganacsiga ay maalin walbo baahinayaan in 2.0 qaybtiisa Af Hindiga soo xareeyay:

Khamiis – 20.25 Crore

Jimco – 18 Crore

Sabti – 25 Crore

Axad – 34 Crore

Isniin – 13.75 Crore

Talaado – 11.50 Crore

Wadarta Guud – 122.50 Crore (Producer Figure)

Shabakada Filimside waxay adeegsataa nidaamka lacagaha Trade Figure ee madaxa banaan soona daabacdo shabakada BOI waayo lacagaha Producer Figure waan tixgalineynaa ee qolyaha filimada iska leh baahiyaan balse inta badan waxaa qasab ah lacagta filimadooda waxay ku daraan.

F.G: Maanta gelinka dambe ayay shabakada BOI soo daabaceysaa filimka 2.0 iyo mudo lix maalmood ah ganacsiga uu gudaha Hindiya ka sameeyay dhamaan luqadaha lagu daawanayo filimkan.

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*