Rasmi: Filimka 2.0 iyo todobaadkiisa kowaad ganacsiga uu Hindiya ka sameeyay dhamaan luqadaha lagu daawanayo

Shabakada Boxoffice India (BOI) ayaa si rasmi ah usoo daabacday filimka 2.0 iyo todobaadkiisa kowaad ganacsiga guud uu gudaha Hindiya ka sameeyay dhamaan luqadaha lagu daawanayo ayadoo 47% ganacsigiisa ku xeen daaban yahay qaybta Af Hindiga lagu daawanayo.

Waxaana muuqato marka uu tiyaatarada ka dago filimkan 50% ganacsigiisa inuu ku xeen daabnaan doono qaybta Af Hindiga lagu daawanayo waxaana xusid mudan in filimka Bahubali – The conclusion ganacsigiisa guud in 46% uu ku xeen daabnaa qaybtiisa Af Hindiga lagu daawaday.

Taariikh ahaan 5-filim oo Tamil ah ayaa 300 Crore ganacsigooda guud dibad iyo dal gaareen halka 2.0 hal todobaad ganacsigiisa guud dibad iyo dal 500 Crore ku dhawaaday ama ku gaaray.

2.0 wuxuu ganacsigiisa 500 Crore gaari doonaa todobaadkiisa labaad sedexda maalmood ee ugu horeyso madaama haatan 480 Crore uu soo xareeyay ganacsigiisa gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka lagu daawanayo.

Fadlan hoos kaga bogo 2.0 ganacsiga uu gobol walbo ka sameeyay gudaha Hindiya ama luqadaha kala duwan lagu daawanayo lacagtaana waa canshuurta ka hor ama Gross Money:

Suuqa Af Hindiga lagu daawanayo – 170 Crore

Tamil Nadu – 75 Crore

Telugu Nizam / Andhra – 64 Crore

Karnataka – 36 Crore

Kerala – 17 Crore

Wadarta Guud – 362 Crore (All India Language Gross Money)

Dhica kale hoos ka eeg suuq walbo iyo boqoleey ahaan ganacsiga 2.0 sida uu u leeyahay ama ugu xeen daaban yahay gudaha Hindiya todobaadkiisa kowaad:

Hindi Markets – 46.96%

Tamil Nadu – 20.72%

Nizam / Andhra – 17.68%

Karnataka – 9.94%

Kerala – 4.70%

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*