Rasmi: Filimka Badla iyo arbacadiisa kowaad ganacsiga wacan uu sameeyay wuu soo qabtay Captain Marvel

Amitabh Bachchan iyo Taapsee Pannu filimkooda Badla ayaa maal maha shaqada ganacsi wacan sameenayo wuxuuna keenay 3.50 Crore (Trade Figure) Arbacadiisa kowaad waxaana xusid mudan in filimka Hollywood-ka ah Captain Marvel lasoo qabtay madaama uu isagana 3.50 Crore keenay Arbacadiisa kowaad.

Waxaa xusid mudan in filimka Captain Marvel maalintiisa kowaad uu 8 Crore ganacsi ahaan ka sareeyay Badla balse haatan maalinta lixaad ganacsiga labadan filim sameeyee waa isku mid waana arin muujineyso in Badla daawadayaasha fariintiisa aqbaleen halka Captain Marvel taxane ahaan inuu caan yahay fagta hore suuqa ku qabsaday balse sheeko ahaan Badla ayaa ka saameyn badan.

Fadlan walaal xayeysiimaha web-ka Filimside Ku Dhufo hal mar oo kaliya xayeysiinta ka muuqato qoraalka aad aqrisaneysid.

Waxaa kaloo xusid mudan farqiga lacagaha guud mudo 6-maalmood ah labadan filim soo xareeyeen in 20 Crore badan yahay filimka Captain Marvelo oo mudo lix maalmood ah ku keenay 53.10 Crore (Trade Figure) halka Badla isla mudadaas ku keenay 33.85 Crore (Trade Figure). Laakiin waxaa lagu kalsoon yahay in Badla filimka Captain Marvel soo qaban doono labada todobaad nagu soo fool leh una badnaan doono cimri ahaan in Badla ganacsi badnaan doono.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Badla mudo lix maalmood ah ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Jimco – 5 Crore

Sabti – 8.25 Crore

Axad – 9.50 Crore

Isniin – 3.75 Crore

Talaado – 3.85 Crore

Arbaco – 3.50 Crore

Wadarta Guud – 33.85 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale filimka Captain Marvel iyo mudo lix maalmood ah ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Jimco – 12.85 Crore

Sabti – 14 Crore

Axad – 13.50 Crore

Isniin – 5 Crore

Talaado – 4.25 Crore

Arbaco – 3.50 Crore

Wadarta Guud – 53.10 Crore (Trade Figure)

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*