Rasmi: Filimka Badla iyo Jimcadiisa sedexaad ganacsiga uu sameeyay

Amitabh Bachchan iyo Taapsee Pannu filimkooda Badla ayaa si wanaagsan isku celiyay Jimcadiisa sedexaad wuxuuna keenay 1.85 Crore (Trade Figure) waana hubaal in filimkan 80 Crore ka talaabsan doono waxayna u badan tahay darajadiisa HIT inuu ka dalaco oo uu SUPER HIT noqdo sidoo kalena fursad wacan oo uu filimka Andhadhun ku dhaafi karo ayuu heestaa.

Filimka iyo ganacsigiisa guud halka uu maraayo soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI) fadlan hoos kaga bogo:

Todobaadka kowaad – 37.79 Crore (rasmi)

Todobaadka labaad – 28 Crore (qiyaas)

Jimco sedexaad – 1.85 Crore (qiyaas)

Wadarta Guud – 67.64 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale filimka Hollywood-ka ah Captain Marvel sidoo kalena isagana ganacsi wacan ayuu sameeyay Jimcadiisa sedexaad wuxuuna keenay 1 Crore (Trade Figure) waxaana muuqato in filimkan cimri ahaantiisa ku dhawaan doono 90 Crore waana filim HIT ah. Fadlan hoos kaga bogo ganacsiga uu ilaa haatan sameeyay filimkan soona daabacay shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 56.37 Crore (rasmi)

Todobaadka labaad – 21.50 Crore (qiyaas)

Jimco sedexaad – 1 Crore (qiyaas)

Wadarta Guud – 78.87 Crore (Trade Figure)

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.