Rasmi: Filimka Badla iyo mudo 17-maalmood ah ganacsiga uu gudaha Hindiya ka sameeyay

Amitabh Bachchan, Taapsee Pannu iyo Amrita Singh filimkooda Badla ayaa weli ganacsi adag sameenayo wuxuuna keenay 6.25 Crore (Trade Figure) todobaadkiisa sedexaad sedexda maalmood ugu horeyso weliba shalay oo Axad ahayd ganacsi weyn ayuu sameyn lahaa laakiin waxaa hakiyay horyaalka Cricket-ka Hindiya oo siweyn loo daawanayo.

Filimka Badla mudo 17-maalmood ah wuxuu soo xareeyay 73.46 Crore (Trade Figure) wuxuuna u dagaalamayaa sidii uu cimri ahaantiisa 85 Crore ku gaari lahaa waana filim reer magaalka siweyn u daawanayaan fariintiisana aad loo wada amaanay.

Filimka Badla wuxuu ku socdaa todobaadkiisa sedexaad inuu keeno 10 Crore waana ganacsi adag welina wuxuu fursad u heestaa in todobaadyadiisa afaraad iyo shanaad inuu ganacsi samaeeyo. Fadlan hoos kaga bogo Badla iyo ganacsiga uu sameeyay mudo 17-maalmood ah soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 37.79 Crore (rasmi)

Todobaadka labaad – 28.92 Crore (rasmi)

Jimco sedexaad – 1.85 Crore

Sabti sedexaad – 2.40 Crore

Axad sedexaad – 2.50 Crore

Todobaadka sedexaad – 6.75 Crore (mudo 3-maalmood ah)

Wadarta Guud – 73.46 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale filimka Hollywood-ka ah Captain Marvel ayaa 80 Crore ka tilaabsaday mudo 17-maalmood ah waana filim HIT ah oo ganacsi wanaagsan gudaha Hindiya ka sameenayo wuxuuna keenay 3.80 Crore (Trade Figure) todobaadkiisa sedexaad sedexda maalmood ugu horeyso.

Filimka Captain Marvel meesha lagama saari karo 90 Crore inuu gaarayo balse hoos u dhaca joogtada ah ee uu sameenayo waa macquul inuu wax ka yara gaabiyo. Fadlan hoos kaga bogo mudo 17-maalmood ah Captain Marvel ganacsiga uu gudaha Hindiya ka sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 56.37 Crore (Trade Figure)

Todobaadka labaad – 21.29 Crore (Trade Figure)

Jimco sedexaad – 1 Crore

Sabti sedexaad – 1.40 Crore

Axad sedexaad – 1.40 Crore

Todobaadka sedexaad – 3.80 Crore (mudo 3-maalmood ah)

Wadarta Guud – 81.46 Crore (Trade Figure)