Rasmi: Filimka Badla oo HIT noqday madaama Jimcadiisa labaad ganacsi adag uu sameeyay

Amitabh Bachchan, Taapsee Pannu iyo Amrita Singh filimkooda Badla ayaa HIT dhameestiran noqday sida shabakada Boxoffice India (BOI) ku dhawaaqday madaama uu ganacsi adag sameeyay Jimcadiisa labaad wuxuuna keenay 3.75 Crore (Trade Figure) wuxuuna sameeyay 20% hoos u dhac ah marka lala bar bar dhigo Jimcadiisii kowaad ganacsiga uu sameeyay.

Badla si sahlan ayuu darajada 40 Crore kaga tilaabsaday asigoo mudo 8-maalmood ah kusoo xareeyay 41.10 Crore (Trade Figure) sidoo kalena waxaa muuqato in 70 Crore gaari doono madaama filimkan si adag kaga gadmaayo magaalooyinka waa weyn xitaa waa macquul in 70 Crore sare usii dhaafo inkastoo wax walbo ku xirnaan dooto filimka weyn Kesari saameynta uu ku yeelan karo oo Khamiistan tiyaatarada badankooda la wareegi doono.

Fadlan walaal xayeysiimaha web-ka Filimside Ku Dhufo hal mar oo kaliya xayeysiinta ka muuqato qoraalka aad aqrisaneysid.

Waa hubaal in filimka Badla sabti iyo axad uu sare u kac xoogan sameyn doono madaama reer magaalka firaaqo heestaan. Fadlan hoos kaga bogo lacagaha uu keenay mudo 8-maalmood ah soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Jimco – 5 Crore

Sabti – 8.25 Crore

Axad – 9.50 Crore

Isniin – 3.75 Crore

Talaado – 3.85 Crore

Arbaco – 3.50 Crore

Khamiis – 3.50 Crore

Todobaadka kowaad – 37.35 Crore

Jimco labaad – 3.75 Crore

Wadarta Guud – 41.10 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale filimka Badla ayaa ganacsi wacan ka sameeyay suuqyada caalamka wuxuuna todobaadkiisa kowaad keenay $ 2.450 mn [16.94 cr]. Fadlan hoos ka eeg suuqyada muhiimka ah iyo todobaadka kowaad Badla lacagaha uu ka keenay:

USA+Canada: $ 845k

UAE+GCC: $ 1.07 mn

Australia: $ 163k

UK: $ 145k

Dunida inteeda kale: $ 227k

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*