BOX OFFICE WARARKA MAANTA

Rasmi: Filimka Bharat ganacsigiisa dibad iyo dal mudo 5-maalmood ah oo BOI soo daabacday

 

Filimka weyn Bharat ee Mega Star Salman Khan hogaamiye ka yahay ayaa ganacsi heer sare ah suuqyada caalamka ka sameeyay sedexdiisa maalmood ugu horeyso wuxuuna keenay $6.75m ilaa $7m lacago u dhaxeeyo wuxuuna keeni lahaa ganacsigan ka badan balse magaciisa reer Pakistan kama helin waana sababta keentay Pakistaniyiin badan oo daafaha caalamka ku nool u daawanin mashruucan qadiyada Hindiya iyo Pakistan ku kala go’een looga hadlaayo.

Filimka Bharat si gaar ah suuqyada sida joogtada ah aflaanta Hindiga looga daawado (USA/Canada, UK, Gul & Aus/New Zealand) wuxuu kasoo xareeyay $5.90m halka dunida inteeda kale uu ka keenay $750k ilaa $1m ganacsi u dhaxeeyo.

Filimka Bharat iyo suuqyada muhiimka ah ganacsiga uu ka sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI) fadlan hoos kaga bogo:

United Kingdom – £575,000

USA / Canada – $1,850,000

Gulf – $3,000,000

Australia – A$400,000

Marka laga hadlaayo filmka Bharat ganacsigiisa dibad iyo dal la isku daray wuxuu mudo shan maalmood ah kusoo xareeyay 218 Crore (Worldwide Gross) waxaana xusid mudan in gudaha Hindiya 170 Crore uu ka keenay canshuurta ka hor halka suuqyada caalamka uu kasoo xareeyay 48 Crore.

Related posts

Shacabka Reer Hindiya Dhaleeceyn Xun Markee La Kulmeen Maadama Filmadan Ay Flop Ka Dhigeen!!

Ali Aadan

Gudiga Ururka Baarlamaanka Dalka India Oo Dacwad Rasmi Ah Ka Gudbiyay Aktarka Vivek Oberoi Ka Dib Markii Uu Ka Xad-gudbay Atariishada Aishwarya Rai

Jabriil Abdikadir

Priyanka Chopra Oo Abaal Qaali Ah Ka Gudoomi Doonto Hay’ada Unicef Ee Ay Xubinta Ka Tahay!!

Ali Aadan

Ma Ogtahay Raveena Tandon Iyo Pooja Bhatt Hada Kahor Inee Hal Nin Isla Shukaansadeen Sheeko Kaa Qarsoon!!

Ali Aadan

Katrina Kaif Oo Shaacisay Qaabkii Iyada Iyo Deepika Ku Heshiiyeen Dhamaadkii 2018!!

Ali Aadan

Tej Oo Doonaya Inuu Buuxiyo Booska Adeerkiisa Pawan Kalyan

Jabriil Abdikadir