BOX OFFICE WARARKA MAANTA

Rasmi: Filimka Bharat iyo Isniintiisa kowaad ganacsiga uu sameeyay wuxuu sameeyay 57% hoos u dhac ah

 

Mega Star Salman Khan filimkiisa Bharat ayaa keenay 9 Crore (Trade Figure) Isniintiisa kowaad oo ah maalintiisa lixaad ee uu tiyaatarada saaran yahay wuxuuna sameeyay 57% hoos u dhac ah marka lala bar bar dhigo Jimcadii lacagaha uu keenay waxaana u fiicneyd filimkan xisaabta labo godlaha inuu gaaro oo uu keeno 10 Crore ilaa 11 Crore ganacsi u dhaxeeyo shalay oo Isniin ahayd.

Weli ganacsiga uu Isniintiisa kowaad sameeyay Bharat ma xumo waa mid wanaagsan balse caqabada jirto waxay tahay cayaaraha koobka aduunk Cricket-ka ayaa filimkan horey labo maalmood ganacsigiisa min 4 Crore ilaa 5 Crore kala hareen haatana cayaaro kale ayaa soo socdaan oo xulka Hindiya cayaarayaan waana qasab in ganacsiga Bharat sii dhaawici doonaan.

Filimka Bharat mudo lix maalmood ah wuxuu kusoo xareeyay 153.25 Crore (Trade Figure) waxaana muuqato in todobaadkiisa kowaad keeni doono 175 Crore waana halkii laga filaayay meel ka hooseyso madaama 8-maalmood ugu horeyso la aaminsanaa in mashruucan weyn 200 Crore kaga talaabi doono.

Weli Bharat wuxuu ku socdaa ama uu heestaa hanaankii uu HIT ku noqon lahaa madaama todobaadkiisa labaad wax loolan culus ah uusan la kulmeyn balse hamigii ahaa Ciidul Fitrigan Salman Khan wuxuu la imaanaa Blockbuster weyn gabi ahaanba meesha wey ka baxday.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Bharat iyo mudo lix maalmood ah ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Arbaco – 41.75 Crore

Khamiis – 30 Crore

Jimco – 21.25 Crore

Sabti – 25 Crore

Axad – 26 Crore

Isniin – 9 Crore

Wadarta Guud – 153.25 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale kooxda filimka Bharat iska leh iyo lacagaha ay shaaca ka qaadeen inuu soo xareeyay mudo lix maalmood ah fadlan hoos kaga bogo:

Arbaco – 42.30 Crore

Khamiis – 31 Crore

Jimco – 22.20 Crore

Sabti – 26.70 Crore

Axad – 27.90 Crore

Isniin – 10

Wadarta Guud – 160.10 Crore (Producer Figure)

Related posts

20-ka Atirisho 90-maadkii Bollywoodka Caanka Ka Ahaayen Maantana Magacooda Xita La Ilaaway (+Sawiro)

Ali Aadan

Jilayaasha Bollywoodka Ee Guursadeen Shaqsiyaad Taagero U Ahaan Jireen Qeybti 2aad

Ali Aadan

12-ka Atoore Koonfur India Ugu AQoonta Badan Waxbarashadana Heer Sare Ka Gareen Wax Ka Ogow Qeybtii 2-aad (+Sawiro)

Ali Aadan

Hooyo 98 sanno jir ah oo shaqada ka fariisatay si ay u xannaaneyso curadkeeda oo ay 18 sanno ka weyn tahay (Sheeko yaab leh)

Jabriil Abdikadir

Daawo: Riteish Vs Tiger in Baaghi 3, Bharat waa Salman filimkiisa 14aad 100Crore gaaro iyo maxaa cusub

Zakarie

Barnaamijka raadraaca Bollywood-ka: Maanta Bollywood-ka maxaa ka cusub

Zakarie