BOX OFFICE WARARKA MAANTA

Rasmi: Filimka Bharat iyo Talaadadiisa kowaad ganacsiga uu sameeyay

 

Mega Star Salman Khan filimkiisa Bharat ayaa markale hoos u dhac sameeyay wuxuuna keenay 7.75 Crore (Trade Figure) Talaadadiisa kowaad ama maalinta 7-aad ee uu tiyaatarada saaran yahay wuxuuna soo xareeyay 161 Crore (Trade Figure) wadarta guud mudo todobo maalmood ah.

Hoos u dhaca Bharat sameeyay shalay oo Talaado ahayd ma ahan mid weyn balse walaaca jiro waxay tahay in hoos u dhaciisa joogto noqonaayo marka maal maha shaqada lasoo galay laga bilaabo Isniinta.

Maanta oo Arbaco ah waa maalin muhiim u ah waaye Bharat waxaa laga rabaa hoos u dhac weyn inuusan sameynin waayo waxaa jiro cayaar ka tirsan koobka aduunka Cricket-ka oo xulka Hindiya cayaarayaan inta badana shacabka markaas waxay door bidaan inay guryaha joogaan halkii ay tiyaatarka soo aadi lahaayeen.

Sida haatan muuqato 8-maalmood ugu horeyso filimka Bharat wuxuu keeni doonaa 173 Crore ilaa 175 Crore qiyaas ahaan waana ganacsi wanaagsan balse ma ahan ganacsi heer sare ah ama ganacsigii weynaa ee laga filaayay inuu sameeyo sideediisa maalmood ugu horeyso.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Bharat iyo mudo lix maalmood ah ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Arbaco – 41.75 Crore

Khamiis – 30 Crore

Jimco – 21.25 Crore

Sabti – 25 Crore

Axad – 26 Crore

Isniin – 9 Crore

Talaado – 7.75 Crore

Wadarta Guud – 161 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale kooxda filimka Bharat iska leh iyo lacagaha ay shaaca ka qaadeen inuu soo xareeyay mudo 7-maalmood ah fadlan hoos kaga bogo:

Arbaco – 42.30 Crore

Khamiis – 31 Crore

Jimco – 22.20 Crore

Sabti – 26.70 Crore

Axad – 27.90 Crore

Isniin – 9.20 Crore

Talaado – 8.30 Crore

Wadarta Guud – 167.60 Crore (Producer Figure)

Related posts

Daawo: Taariikh Nololeedka Paresh Rawal (Uusa Buuke) Oo Maanta 59 sano Jirsaday

Zakarie

10ka tababare ee ugu fiican aduunka waqti xaadirkaan oo lasoo saaray. Yaa kaalinta koowaad kusoo baxay?

Day 4 Morning Update: Filimka Bharat iyo subaxan maalintiisa 4-aad sida uu ku furmay

Zakarie

Ma Ogtahay Vicky Kaushal Inuu Ahaa Dooqa Kowaad Filmka Bhaag Milkha Bhaag Ee Farhan Akhtar Jilay!!

Ali Aadan

Alia Bhatt ” Hadiiba Qurux Lasoo Magac Qaado Waa Deepika Oo La Magac Qaaday Oo Kale”

Jabriil Abdikadir

Maxaa Dhacay Habeenkii Furiinka Arbaaz Khan Iyo Malaika Arora Dhacaayey Warbixin Kaa Qarsoon!!

Ali Aadan