Rasmi: Filimka Bharat wax walbo oo aad uga baahan tahay oo lasoo bandhigay

Waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay Mega Star Salman Khan filimkiisa Bharat warbixin walbo oo ku saabsan xiliga goos gooskiisa lasoo bandhigaayo iyo waqtiga rasmiga ah ee tiyaatarada la saarayo waxaana filimkan Director ka ah Ali Abbas Zafar halka Atul Agnihotri uu soo saare ka yahay.

Filimka Bharat goos gooskiisa dhameestiran waxaa lasoo bandhigaa 24 April 2019 sidoo kalena goos gooska filimkan waxaa lagu soo dhex deyn doonaa filimka Hollywood-ka ah Avengers End Game marka tiyaatarada gudaha Hindiya la saaro 26 April 2019.

Ugu dambeyntii waxaa si rasmi ah shaaca looga qaaday in filimka Bharat la daawan doono 5 June 2019 maalinta Ciidul Fitriga u dabaal dagayaan Muslimiinta Hindiga ah.

Filimka Bharat Salman Khan waxaa ku wehliyaan Katrina Kaif, Tabu, Jackie Shroff, Disha Patani, Sunil Grover, Noora Fateh iyo jilaayaal kale sidoo kale Varun Dhawan ayaa muuqaal marti ah ku leh mashruucaan weyn.

Salman Khan ayaa bilaabi doono xayeysiin u sameynta filimkan Bharat dhamaadka bisha April wuxuuna tagi doonaa gobolo badan oo Hindiya ah una dheer tahay Dubai iyo magaalooyin kale oo aan gudaha Hindiya ahayn inuu tago si fariinta Bharat dadka dunida ku nool u wada daawadaan.