Rasmi: Filimka Gully Boy iyo mudo 4-todobaad ah ganacsiga uu sameeyay

Ranveer Singh iyo Alia Bhatt filimkooda weli reer magaalka wey daawanayaan wuxuuna keenay 2.50 Crore (Trade Figure) todobaadkiisa afaraad taasi oo ka dhigan wadarta guud mudo afar todobaad ah inuu soo xareeyay 132.75 Crore (Trade Figure) waxaana muuqato in mashruucaan ka gaabin doono 135 Crore inuu gaaro balse midaas waxba kama dhibeyso madaama u marhore HIT dhameestiran noqday.

Fadlan walaal xayeysiimaha web-ka Filimside Ku Dhufo hal mar oo kaliya xayeysiinta ka muuqato qoraalka aad aqrisaneysid.

Filimka Gully Boy ganacsigan heerka sare ah fariintiisa oo xadidan waxaa ugu wacan Ranveer iyo Alia oo xiligaan ka mid ah jilaayaasha Bollywood-ka ugu badan sidoo kalena labadan xidig xili dahabi ah ayay bartanka kaga jiraan madaama wadar ahaan 5-filim ay sameeyeen haatan HIT dhameestiran 2018 ilaa 2019 waana mid muujineyso suuqa Bollywood-ka saameynta xoogan ayay ku leeyihiin.

Fadlan hoos kaga bogo Gully Boy iyo mudo afar todobaad ah ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 98.38 Crore (mudo 8-maalmood ah)

Todobaadka labaad – 24.32 Crore

Todobaadka sedexaad – 7.55 Crore

Todobaadka afaraad – 2.50 Crore (qiyaas)

Wadarta Guud – 132.75 Crore (Trade Figure)

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*