Rasmi: Filimka Gully Boy iyo todobaadkiisa fidsan (8-maalmood) ganacsiga uu sameeyay

Ranveer Singh iyo Alia Bhatt filimkooda Gully Boy ayaa ganacsi wanaagsan sameeyay todobaadkiisa kowaad oo fidsan ama 8-maalmood ka kooban wuxuuna keenay 99 Crore (Trade Figure) wuxuuna ganacsi aad u wanaagsan ka sameeyay magaalooyinka Mumbai, Delhi NCR, Pune, Bangalore iyo Kolkata halka dhamaan magaaloyinka kale Hindiya ganacsi hoose iyo mid dhex dhexaad isugu jiro uu ka sameeyay.

Fadlan walaal xayeysiimaha web-ka Filimside Click kusii hal mar oo kaliya xayeysiinta ka muuqato qoraalka aad aqrisaneysid.

Filimkan wuxuu hoos u dhac sameeyay labadiisa maalmood ugu dambeesay Arbaco iyo Khamiis  balse waxaa la rajeynaa Sabti iyo Axad maal maha reer magaalka shaqada ka nasanayaan siweyn ugu soo daawasho tagaan maal mahaas tiyaatarada sidaa darteed filimkan waa mid reer magaalka isku haleenayo xiliga ay firaaqada heestaan halka maal maha aysan firaaqo reer magaalka heesanin hoos u dhac sameenayo.

Fadlan hoos kaga bogo Gully Boy iyo todobaadkiisa fidsan ama 8-maalmood ugu horeyso ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Khamiis – 19.25 Crore

Jimco – 12.75 Crore

Sabti – 18.50 Crore

Axad – 21 Crore

Isniin – 8.50 Crore

Talaado – 8 Crore

Arbaco – 6 Crore

Khamiis labaad – 5 Crore

Wadarta Guud – 99 Crore (Trade Figure)

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.