Rasmi: Filimka Kesari iyo afartiisa maalmood ugu horeyso ganacsiga adag uu sameeyay

Superstar Akshay Kumar filimkiisa Kesari ayaa ganacsi adag sameeyay afartiisa maalmood ugu horeyso wuxuuna keenay 78.25 Crore (Trade Figure) sida shabakada Boxoffice India (BOI) soo daabacday halka kooxda iska leh filimkan dhankooda ka baahiyeen mudo afar maalmood ah inuu ku keenay 78.07 Crore (Producer Figure) waana ganacsi weyn oo filimkan xaqiijiyay inuu yahay mid guuleestay.

Filimka Kesari shalay oo Axad ahayd kaliya 15% sare u kac ayuu sameeyay waxaana culees ku noqday horyaalka Cricket-ka Hindiya (IPL) oo si wacan dadka u daawanayaan si la mid ah filimada masraxa weli baaqi ku ah Badla, Captain Marvel, Lukka Chuppi iyo Total Dhamaal iyagana shalay oo Axad daawadayaasha wey la qeebsadeen Kesari.

Filimka Kesari dhamaan gobolada Hindiya ganacsi wanaagsan ayuu ka sameeyay balse ganacsiga ugu heerka sareeyo wuxuu ka sameeyay dhanka Waqooyi Delhi / UP, East Punjab sidoo kalena Rajasthan iyo Mumbai wuu ku xoogan yahay afartiida maalmood ugu horeyso.

Kesari afartiisa maalmood ugu horeyso wuxuu ku noqday filim guuleestay (successful film) balse 5-maalmood ilaa 6-maalmood nagu soo fool leh ganacsiga uu sameeyo ayaa xaqiijin doonto inuu HIT dhameestiran noqon karo filimkan Akshay sida weyn loogu amaanay bandhigiisa.

Fadlan hoos kaga bogo 4-maalmood ugu horeyso filimka Kesari ganacsiga uu gudaha Hindiya ka sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Khamiis – 21 Crore

Jimco – 17 Crore

Sabti – 18.25 Crore

Axad – 21.50 Crore

Wadarta Guud – 78.25 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale filimka yar Mard Ko Dard Nahin Hota ee hogaamiyaha ka yahay wiilka fanka ku cusub Abhimanyu Dassani ayaa keenay ganacsi aad u liito sedexdiisa maalmood ugu horeyso oo ah 1.35 Crore (Trade Figure) waana filim siweyn u fashilmay oo aan sii socon doonin.