Rasmi: Filimka Kesari iyo Isniintiisa afaraad ganacsiga uu sameeyay

Superstar Akshay Kumar filimkiisa Kesari weli ganacsi muuqdo ayuu sameenayaa wuxuuna Isniintiisa afaraad keenay 50 Lakh taasi oo ka dhigan wadarta guud inuu haatan soo xareeyay 148 Crore ganacsi sare u dhaafayo. Sida muuqato Kesari todobaadkiisa afaraad 5 Crore ayuu keeni doonaa.

Laakiin ganacsigiisa masii socon doono madaama Arbacadan ama maalinta berito ah tiyaatarada la wareegi doono filimka weyn Kalank sidaa darteed Kesar shan todobaad wuxuu soo xareen doonaa 149 Crore kadibna waxyar ayuu ku darsan doonaa.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Kesari ganacsiga guud uu ilaa haatan sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 103.18 Crore (mudo 8-maalmood ah) (Rasmi)

Todobaadka labaad – 29.62 Crore (Rasmi)

Todobaadka sedexaad – 11 Crore (Qiyaas)

Jimco afaraad – 60 Lakh (Qiyaas)

Sabti afaraad – 1.25 Crore (Qiyaas)

Axad afaraad – 1.60 Crore (Qiyaas)

Isniin afaraad – 50 Lakh

Todobaadka afaraad – 4 Crore (mudo 4-maalmood ah)

Wadarta Guud – 148.17 Crore (Trade Figure)

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*