Rasmi: Filimka Kesari iyo maalinta kowaad ganacsiga adag uu sameeyay waa midka 2019 ugu bilaabashada wanaagsan

Superstar Akshay Kumar filimkiisa Kesari ayaa ganacsi adag sameeyay maalintiisa kowaad wuxuuna keenay 21 Crore (Trade Figure) sida shabakada Boxoffice India (BOI) soo daabacday sidoo kalena kooxda filimkan iska leh waxay soo daabaceen inuu soo xareeyay 21.50 Crore (Producer Figure).

Kesari wuxuu noqday filimka ugu bilaabashada wanaagsan 2019 ayadoo shalay u daruufo adag la kulmay madaama subaxdii hore tiyaataradiisa la xadiday waxaa siweyn loo daawaday laga bilaabo 2:00 pm xiliga Hindiya marka ay feestada Holi dadka dhameesteen taasina waxay ka caawisay ganacsi weyn inu sameeyo shalay galabkii iyo fiidkii.

Kesari sidoo kale wuxuu noqday Akshay Kumar filimkiisa labaad ee ugu bilaabashada wanaagsan kaliya Gold ayaa maalinta kowaad ka lacag badan wuxuuna filimkan siweyn kaga gadmay Waqooyiga Hindiya Delhi/UP iyo East Punjab oo uu ka keenay 2.75 Crore si la mid ah Mumbai iyo hareeraheeda ganacsi adag ayuu ka sameeyay sida Gujarat / Saurashtra oo uu ka keenay 3 Crore.

Dhinaca kale filimka Kesari ganacsigiisa bartamaha iyo bariga Hindiya CPCI, Rajasthan, UP iyo Bihar waxaa sameeyeen feestada Holi oo halkaas aad looga dabaal dagay iyo tiyaatarada Single Screens oo xili dambe siweyn loo wada furay sidaa darteed maanta oo Jimco ah ayuu halkaas ganacsi adag ka sameyn doonaa.

Filimka Kesari maalinta kowaad heerkii laga filaayay wuu ka sare maray ayadoo ganacsigiisa uu xadidnaa sidaa darteed sedex maalmood oo dahabi ah ayaa u hartay laga bilaabo Jimco ilaa Axad waxaa muuqato inu siweyn u gadmi doono kadibna Isniinta marka la gaaro ayaa laga cabir qaadan doonaa halka uu hiigsan doono.

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.