Rasmi: Filimka Kesari iyo maalintiisa sedexaad lacagaha uu keenay

Superstar Akshay Kumar filimkiisa Kesari ayaa ganacsi wacan sameeyay maalintiisa sedexaad uu tiyaatarada saaran yahay wuxuuna shalay sameeyay 12% sare u kac asigoo keenay 18.75 Crore (Trade Figure), weliba si gaar ah filimkan wuxuu sare u kac xoogan kaga sameeyay magaalooyinka waa weyn oo uu gaaray 25% ilaa 30%.

Filimka Kesari haatan mudo sedex maalmood ah wuxuu kusoo xareeyay 57 Crore (Trade Figure) sidoo kalena maanta oo Axad ah ganacsigiisa inuu 20 Crore dhaafo ama gaaro u badi taasi oo ka dhigi doonto afartiisa maalmood ugu horeyso filimkan inuu soo xareeyo 77 Crore qiyaas ahaan waana ganacsi heer sare ah.

Filimkan wuxuu ku socdaa si dhaqsi ah inuu HIT dhameestiran ku noqdo balse waxaa laga rabaa laga bilaabo Isniin ilaa Khamiis ganacsi ahaan inuu is celiyo haddii uu sidaas sameeyo waa hubaal inuu darajada HIT ka sareyso hiigsan doono sidoo kalena tiyaatarada mudo dheer baaqi ku ahaan doono.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Kesari iyo sedexdiisa maalmood ugu horeyso lacagaha uu keenay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Khamiis – 21 Crore

Jimco – 17 Crore

Sabti – 18.75 Crore

Wadarta Guud – 56.75 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kooxda filimka Kesari iska leh iyo mudo sedex maalmood lacagaha uu soo xareeyay oo ay soo daabaceen hoos kaga bogo:

Khamiis – 21.06 Crore

Jimco – 16.70 Crore

Sabti – 18.75 Crore

Wadarta Guud – 56.51 Crore (Producer Figure)