Rasmi: Filimka Kesari oo sare u kac xoogan sameeyay Sabtigiisa afaraad

Superstar Akshay Kumar filimkiisa Kesari ayaa 90% sare u kac sameeyay Sabtigiisa afaraad ganacsi ahaan marka lala bar bar dhigo Jimcadiisii afaraad lacagaha uu keenay wuxuuna ka faa’iideesanayaa in aflaanta masraxa la saaran saameyn xoogan laheyn sida Romeo Akbar Walter, Hellboy iyo Shazam.

Filimka Kesari sabtigiisa afaraad wuxuu keenay 1.25 Crore (Trade Figure) wuxuuna soo xareeyay wadarta guud 146 Crore (Trade Figure) sida muuqatana 150 Crore wuu ka talaabi doonaa sidoo kalena ganacsiga Total Dhamaal wuu dhaafi doonaa asigoo noqon doono filimka labaad ee lacagaha ugu badan sanadkan 2019 soo xareeyo.

Balse marka laga hadlaayo lacagaha canshuurta ka hor (Gross Money) waxaa badnaan doono Total Dhamaal sababta waxay tahay in Dhamaal ku xooganaa ganacsigiisa Gujarat and Maharashtra oo ah meelaha dadka tiro ahaan ugu badan usoo daawasho tagaan qiimaha Tikit-kana sare loo qaado.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Kesari iyo ganacsigiisa guud halka uu maraayo soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 103.18 Crore (mudo 8-maalmood ah) (Rasmi)

Todobaadka labaad – 29.62 Crore (Rasmi)

Todobaadka sedexaad – 11 Crore (Qiyaas)

Jimco afaraad – 60 Lakh (Qiyaas)

Sabti afaraad – 1.25 Crore (Qiyaas)

Wadarta Guud – 146.07 Crore (Trade Figure)

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*