Rasmi: Filimka Luka Chuppi iyo todobaadkiisa labaad ganacsiga wanaagsan uu sameeyay

Kartik Aaryan iyo Kriti Sanon filimkooda dhalinyarada loogu tala galay Luka Chuppi ayaa todobaadkiisa labaad keenay 18.25 Crore (Trade Figure) taasi oo ka dhigan mudo labo todobaad ah inuu filimkan wadarta guud soo xareeyay 71.25 Crore (Trade Figure) wuxuuna sameeyay 65% hoos u dhac ganacsi ahaan todobaadkiisa labaad marka lala bar bar dhigo todobaadkiisa kowaad ganacsiga uu sameeyay waana arin wanaagsan madaama aflaan badan tiyaatarada saaran yihiin.

Filimka Luka Chuppi wuxuu heestaa fursad uu 85 Crore ku gaari karo cimri ahaantiisa madaama todobaadkan filim weyn masraxa la saareyn waxaana halis galin karo oo kaliya filimka Akshay Kumar hogaamiyaha ka yahay Kesari oo 21-ka bishan Maarso tiyaatarada lasoo saarayo ama lix maalmood kadib.

Fadlan walaal xayeysiimaha web-ka Filimside Ku Dhufo hal mar oo kaliya xayeysiinta ka muuqato qoraalka aad aqrisaneysid.

Kartik Aaryan oo waqti wacan bartanka kaga jiro haatan filimkiisa Luka Chuppi waa HIT waxaana muuqato in wiilkan dhalinta uu aqoonsi wacan ku dhex yeeshay sidoo kalena mustaqbalkiisa fanka Hindiya waa mid wanaagsan.

Fadlan hoos kaga bogo mudo labo todobaad ah ganacsiga uu sameeyay filimka Luka Chuppi soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 53.10 Crore

Todobaadka labaad – 18.25 Crore

Wadarta Guud – 71.35 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale kooxda filimka Luka Chuppi iska leh lacagaha ay shaaca ka qaadeen inuu soo xareeyay labo todobaad fadlan hoos kaga bogo:

Todobaadka kowaad – 53.70 Crore

Todobaadka labaad – 21.54 Crore

Wadarta Guud – 75.24 Crore (Producer Figure)

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*