Home BOX OFFICE Rasmi: Filimka Majili oo tiyaatarada isaga dagay Naga Chaitanya iyo xaaskiisa Samantha...

Rasmi: Filimka Majili oo tiyaatarada isaga dagay Naga Chaitanya iyo xaaskiisa Samantha waxay la imaadeen filim Blockbuster ah

 

Filimka Telugu ama Tollywood ah Majili ayaa tiyaatarada isaga dagay waxaana hogaamiyaal ka ah mashruucan lamaanaha nolosha dhabta ah ka dhaxeyso Naga Chaitanya iyo xaaskiisa Samantha Akkineni wuxuuna filimkooda noqday Blockbuster weyn sida shabakada Andhra Boxoffice (ABO) xaqiijisay mashrucan hirgalay.




Filimka Majili ayaa tiyaatarada la saaray 4 April 2019 fariintiisa daawadayaasha soo si wacan kaga heleen waxay ka dhigtay inuu masraxyada baaqi kusii ahaado asigoo soo xareeyay 65.90 Crore ganacsigiisa dibad iyo dal la isku daray.

Filimka Majili kooxda cajaladaha qeybiyaan waxay ka heleen 37.20 Crore waxaana xusid mudan in filimkan kooxda cajaladaha qeybiyaan ku iibsadeen 22 Crore taasi oo ka dhigan 169% dib usoo celiyay lacagihii laga helay waana Blockbuster weyn.




Filimka Majili suuq walbo ganacsiga uu ka sameeyay soona daabacday shabakada Andhra Boxoffice (ABO) fadlan hoos kaga bogo:

Dhulweynaha Telugu AP/Nizam wuxuu ka keenay 49.50 Crore, saamiga laga helay 30.50 Crore

USA Boxoffice wuxuu ka keenay 5.60 Crore, saamiga laga helay 2.24 Crore.

Gobolka Karnataka wuxuu ka keenay 7.80 Crore, saamiga laga helay 3.24 Crore

Dunida inteeda kale wuxuu ka keenay 3 Crore, saamiga laga helay 1.22 Crore

Wadarta Guud lacagaha uu keenay dibad iyo 65.90 Crore, saamiga guud laga helay dibad iyo dal la isku daray 37.20 Crore.




WARARKA UGU DANBEEYAY

Wararkii ugu dambeeyay Koonfur Hindiya: Tamil, Telugu, Malayalam iyo Kannada maxaa ka jiro

  Maalin wanaagsan dhamaan aqristayaasha shabakada Filimside ku xiran kuna soo dhawaadao barnaamijkeena aan idin kula wadaagno warbixino kooban oo ku saab saabsan dhanka fanka...

Ahan Shetty iyo Tara Sutaria filimkooda Tadap oo dib u dhac ku yimid duubistiisa

  Ruug cadaa Suniel Shetty wiilkiisa Ahan Shetty waxaa lagu soo caan bixinaa filimka Telugu ah ee Blockbuster-ka weyn noqday RX 100 oo loo bixiyay...

Rasmi: Filimka The Lion King iyo Isniintiisa kowaad ganacsiga weyn uu sameeyay

  Filimka Hollywood-ka ah The Lion King ayaa hoos u dhac 30% sameeyay Isniintiisa kowaad ganacsi ahaan marka lala bar bar dhigo Jimcadiisii kowaad lacagaha...

Rasmi: Filimka Super 30 iyo ganacsiga adag uu sameeyay Isniintiisa labaad

  Superstar Hrithik Roshan filimkiisa Super 30 ayaa ganacsi adag sameeyay Isniintiisa labaad wuxuuna keenay 3 Crore ($434k) waxayna ka dhigan tahay mudo 11-maalmood ah inu soo...