Rasmi: Filimka Manikarnika iyo Axadiisa sedexaad ganacsiga uu sameeyay waa mid wacan

Kangana Ranaut filimkeeda Manikarnika – The Queen Of Jhansi ayaa ganacsi wacan sameenayo wuxuuna keenay 3 Crore Axadiisa sedexaad sidoo kalena 6.75 Crore (Trade Figure) ayuu keenay todobaadkiisa sedexaad sedexda maalmood ugu horeyso asigoo 50% hoos u dhac sameeyay marka lala bar bar dhigo todobaadkiisii labaad sedexda maalmood ugu horeesay lacagaha uu keenay.

Filimka Manikarnika haatan wuxuu soo xareeyay 84.25 Crore (Trade Figure) mudo 17-maalmood ah wuxuuna haatan hubaal ahaan ka tilaabsan doonaa 90 Crore balse waxa u raaci doono waxay ku xirnaan doontaa filimka Gully Boy ee Khamiistan (14 Feb) tiyaatarada la saarayo hadba saameynta uu la imaado madaama Ranveer Singh iyo Alia Bhatt hogaamiyaal ka yihiin.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Manikarnika – The Queen Of Jhansi oo bandhig wacan sameenayo mudo 17-maalmood ah ganacsiga uu sameeyay soona dabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 56.56 Crore

Todobaadka labaad – 21.05 Crore

Jimco sedexaad – 1.25 Crore

Sabti sedexaad – 2.50 Crore

Axad sedexaad – 3 Crore

Todobaadka sedexaad – 6.75 Crore (mudo 3-maalmood ah)

Wadarta Guud – 84.36 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale Anil Kapoor, Sonam Kapoor iyo Rajkumar Rao filimkooda Ek Ladki Ko Dekha Toh Aisa Laga ayaa bur buray todobaadkiisa labaad sedexda maalmood ugu horeyso ganacsi ahaan madaama uu keenay 1.75 Crore (Trade Figure) taasi oo ka dhigan mudo 10-maalmood ah inuu soo xareeyay 18.21 Crore (Trade Figure).

Filimka Ek Ladki Ko Dekha Toh Aisa Laga sida muuqato 20 Crore xitaa ma gaari doono waana mashruuc bulshada Hindiga iska dideen sidoo kalena maanta xidig aflaanta gaddi karo filimkan hogaamiye kama ahayn haddii uu ahaan ka lahaa awoodiisa ama awoodeeda fashil weyn ayaa ku imaan lahaa.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Ek Ladki Ko Dekha Toh Aisa Laga mudo 10-maalmood ah ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 16.36 Crore

Jimco labaad – 35 Lakh

Sabti labaad – 70 Lakh

Axad labaad – 75 Crore

Todobaadka labaad – 1.80 Crore (mudo 3-maalmood ah)

Wadarta Guud – 18.21 Crore (Trade Figure)

F-G: Fadlan walaal xayeysiimaha web-ka Filimside Click kusii hal mar oo kaliya xayeysiinta ka muuqato qoraalka aad aqrisaneysid.

Xitaa haddii qoraalka uusan ku xiiso galineyn fadlan xayeysiinta Click noogu sii midaas ayaa muhiim noo ah anagana abaal ayaan kaaga heynaa.

Warbixin walbo xayeysiin ayay wadaata nagu caawi xayeysiimaha kala duwan inaad halmar Click ku siisid

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.