Rasmi: Filimka nolosha Ra’iisul Wasaaraha Hindiya looga hadlaayo PM Narendra Modi oo shaaca laga qaaday xiliga la daawanayo

 

waxaan maalin dhawayd nila wadaagnay in Filimka PM Narendra Modi ee looga hadlaayo nolosha Ra’iisul Wasaaraha Hindiya la daawan doono 12 bishan April

laakiin hadda waxaa soo baxaya warar xiiso leh kaaso sheegay  in filimkan si deg deg ah loo duubay haatana shaaca laga qaaday in la daawan doono 5 April 2019.

Filimka PM Narendra Modi waxaa hogaamiye ka ah Vivek Oberoi oo shaashada ku matalaayo nolosha Ra’iisul Wasaare Modi halka Omung Kumar uu Director ka yahay sidoo kalena Sandip Ssingh, Anand Pandit iyo Suresh Oberoi ayaa soo saarayaal ka ah.

Filimka PM Narendra Modi hal bil ayaa duubistiisa lagu soo idleeyay waxaana loo dadajinaa in tiyaatarada la saaro ka hor inta aysan dhicin doorashada guud ee Hindiya oo ku beegan dhamaadka bisha April ilaa todobaadka ugu horeeyo bisha May ee sanadkan.

Fadlan walaal xayeysiimaha web-ka Filimside Ku Dhufo hal mar oo kaliya xayeysiinta ka muuqato qoraalka aad aqrisaneysid.

Sidaa darteed Ra’iisul Wasaare Modi iyo xisbigiisa PJB ayaa ayaa gadaal ka riixayaan filimka PM Narendra Modi weliba waxay diyaar u yihiin inay hadal heyn xoogan u sameeyaan si 12-ka April marka tiyaatarada la saaro dad badan u daawadaan filimkan nolosha masuulka ugu sareeyo xiligaan Hindiya maamulo.

Sidoo kale musal sal taxane ah oo 10-xalqo ka kooban ayaa isla bisha April shirkada Eros International si Online ah Internet-ka ugu soo fasixi doontaa waxaana la dhahaa taxanahan Modi oo isla nolosha Ra’iisul Wasaare Modi looga hadlaayo taasi oo ka dhigan in tiyaatar-ka iyo Digital-ka ama Internet-ka labaduba la rabo hadal heynta mudane Modi inay qabsato xiliga doorashada soo dhow dahay si dad badan codka isaga u siiyaan.

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Mahad sanidiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*