Rasmi: Filimka NTR Kathanayakudu iyo maalintiisa kowaad ganacsiga uu sameeyay dibad iyo dal

Filimka NTR Kathanayakudu oo looga hadlaayo nolosha Superstar ama halyee Nandamuri Taraka Ramarao ama loo yaqaan N. T. Rama Rao sidoo kalena hogaamiye ka yahay Nandamuri Balakrishna ayaa ku bilaawday sidii laga filaayay si ka hooseyso maalinta kowaad ganacsiga uu sameeyay dibad iyo dal.

Filimka NTR Kathanayakudu ayaa soo xareeyay 17 Crore maalintiisa kowaad ganacsiga uu dibad iyo dal sameeyay waxayna kooxda cajaladaha qeybiyaan saami ahaan ka heleen 10.50 Crore maalinta kowaad wuxuuna sameeyay ganacsi gaabis weyn ka muuqdo madaama filimkan kooxda cajaladaha qeybiyaan 70 Crore ku iibsadeen.

Filimka NTR Kathanayakudu ganacsigiisa uu maalinta kowaad ka sameeyay suuq walbo fadlan hoos kaga bogo sida aan kasoo xiganay shabakada Andhra Boxoffice (ABO):

Dhulweynaha Telugu AP/Nizam wuxuu ka keenay 11.10 Crore, saamiga kooxda cajaladaha qeybiyaan ka heleen 7.70 Crore.

USA Boxoffice wuxuu ka keenay 4.10 Crore, saamiga kooxda cajaladaha qeybiyaan ka heleen 1.85 Crore.

Gobolka Karnataka wuxuu ka keenay 1 Crore, saamiga kooxda cajaladaha qeybiyaan ka heleen 0.65 Crore.

Dunida inteeda kale wuxuu ka keenay 0.80 Crore, saamiga kooxda cajaladaha qeybiyaan ka heleen 0.35 Crore.

Wadarta Guud Lacagaha Uu Keenay 17 Crore, Saamiga Guud Ee Kooxda Cajaladaha Qeybiyaan Ka Heleen 10.50 Crore.

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*