Rasmi: Filimka Simmba iyo Jimcadiisa sedexaad ganacsiga uu sameeyay

Ranveer Singh filimkiisa Simmba ayaa keenay 2.50 Crore ilaa 2.75 Crore ganacsi u dhaxeeyo Jimcadiisa sedexaad wuxuuna sameeyay hoos u dhac 35% ilaa 40% marka lala bar bar dhigo ganacsigii uu sameeyay Khamiistiisa labaad waana la filaayay inuu hoos u dhac sameeyo madaama shalay oo Jimco ahayd tiyaatarada siweyn ula qeebsadeen labada filim masraxa ku cusub Uri iyo The Accidental Prime Minister.

Filimka Simmba ayaa haatan mudo 15-maalmood ah soo xareeyay 214 Crore (Trade Figure) madaama uu i celiyay Jimcadiisa sedexaad ganacsi ahaan filimkan weli wuxuu fursad u heestaa inuu 250 Crore gaar cimri ahaantiisa inkastoo wax walbo ku xirnaan doonaan sara u kaca adag ee uu sameeyo sabti iyo axad oo inta badan qoysaska usoo daawasho tagaan tiyaatarada.

Simmba haatan waa filimka 10-aad ee taariikh ahaan lacagaha ugu badan soo xareeyo canshuurta ka kadib balse marka laga hadlaayo filimada lacagaha ugu badan soo xareeyeen canshuurta ka hor Simmba wuxuu ku jiraa markaas kaalinta 14-aad balse uu gaari doonaa kaalinta 10-aad marka laga hadlaayo ganacsiga canshuurta ka hor la sameeyo madaama uu weli tiyaatarada saaran yahay.

Fadlan hoos kaga bogo Simmba iyo mudo 15-maalmood ah ganacsiga uu sameeyay ayadoo xogtaan ay soo daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 150.26 Crore

Todobaadka labaad – 60.75 Crore

Jimco sedexaad – 2.75 Crore

Wadarta Guud – 213.76 Crore (Trade Figure)

Simmba weli ma gaarin tiro ahaan 20-milyan oo qof inay tikit u goostaan waxaana kaga harsan waxyar waxaana muuqato tirada Golmaal Again tikit-ka u goosatay oo kale filimkan inay u goosteen oo ah 19-milyan iyo 846-qof balse waa macquul in Simmba 20-milyan darajo ahaan inay u tikit u goostaan uu gaaro waxayna wax walbo ku xirnaan doontaa ganacsiga uu sameeyo todobaadkiisa sedexaad iyo afaraad.

Fadlan shabakada Filimside Rukumo si Warbixin walbo aan soo daabacno Notification ahaan kuugu soo dhaco.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*